Waxaan soo diyaarinay liis 10-ka atoore ugu qaab jiliinka fiican taariikh ahaan fanka hindiya ayadoo lagu xeendaabaayo tirada ugu badan ee ay ku guuleysteen abaal marinada Filimfare Awards iyo National Filim Awards oo la isku daray.

Atoorihii labadaas bilad la isku daray tirada ugu badan ka wato iyo mid hal dhinac tirada ugu badan ka wataba wey kuwada jiraan liiskan waxaana ukala horeysiinay sidee tiro ahaan abaal marinta ugu kala badan yihiin iyo side waqtigan ukala shaqeyaan.

Sababto ah waxaad arki doontaa kuwa isku mid ka ah tiro ahaan abaal marinta laakiin kaalin ahaan kala horeyaan labo mid ayaa kuwaas oo kale loo kala horeysiiyay mida kowaad atoore shaqeyo waqtigaan iyo mid xili hore geeriyooday waayo kan shaqeyo waa macquul markale inuu abaal marin hanto sidaas ayuu kaga horeyna midka xili hore geeriyooday.

Sababta labaad waxay tahay labo atoore oo isku mid ka ah tirada abaal marinta hadana kala horeyaan kaalin ahaan waxaa loo kala hormariyay kuwaas hadba side ukala maqaam weyn yihiin oo tusaale Aamir iyo Ranbir oo kale waa isku mid abaal marinta hadana Aamir ayaa horeyo maadama Ranbir laga maqaam weyn yahay.

Intaas hadaa isla fahamnay hoos kaga bogo 10-ka atoore taariikh ahaan fanka hindiya ugu qaab jiliin fiican marka lagu xeen daabo tirada abaal marinada Best Actor ay ku guuleysteen (National+Filimfare):

1-Amitabh Bachchan: 9-jeer kala ah Filimfare (5-jeer) iyo National (4-jeer).

2-Shah Rukh Khan: 8-jeer (Filimfare)

3-Dilip Kumar: 8-jeer (Filimfare)

4-Naseeruddin Shah: 5-jeer kala ah Filimfare (3-jeer) iyo National (2-jeer).

5-Hrithik Roshan: 4-jeer (Filimfare).

6-Sanjeev Kumar: 4-jeer kala ah National (2-jeer) iyo Filimfare (2-jeer).

7-Aamir Khan: 3-jeer (Filimfare).

8-Ranbir Kapoor: 3-jeer (Filimfare).

9-Anil Kapoor: 3-jeer kala ah Filimfare (2-jeer) iyo National (1-jeer).

10-Ajay Devgn: 2-jeer (National).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here