10-atoore oo Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo aabo noqdeen ayagoo 40-sano sare u dhaafeen (+Sawiro)

Inta badan Hindida waxay jecel yihiin dhaqan ahaan inay xili hore waalid noqdaan mana kusii jiraan atoorayaasha waxaa xeer u ahaan jirtay waagii hore inay aabo noqdaan da’dooda marka aysan 30-sano gaarto.

Balse sida qarnigan 21-aad loo soo galay waxaa la arkay arimo Bollywood-ka ku cusub oo ah atoorayaal ayagoo da’dooda 40-sano ama 50-sano sare u dhaaftay inay waalid noqdaan.

Fadlan hoos kaga bogo 10-atoore oo Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo aabo noqdeen xili dambe da’dooda marka ay 40-sano dhaafeen qaarkood horey aabo wey u noqdeen qaar kalena waa markoodii ugu horeesay:

#1. Prakash Raj: inta badan Soomaalida waxay u taqaan See rabtaa wuxuu aabo u noqday wiilkiisa Vedhanth asigoo 50-jir ah, balse horey wuxuu u aabo ugu ahaa sedex caruur ah oo xaaskiisii kowaad u dhashay.

#2. Saif Ali Khan xidigaan caanka ah horey Sara iyo Ibraham ayuu aabo ugu ahaa balse xaaskiisa labaad Kareena Kapoor Khan waxay u dhashay Taimur Ali Khan asigoo 46-jir ah dhamaadkii 2016.

#3. Shah Rukh Khan: King Khan markii uu aabo u noqonaayay wiilkiisa yar AbRam wuxuu jiray 47-sano waxaana xusid mudan in nidaamka Surrogacy ku dhashay AbRam oo ah in hooyo kale caloosha ku qaaday sidoo kalena dhashay kadibna lagu soo wareejiyay SRK iyo xaaskiisa Gauri Khan.

#4. Aamir Khan: Mr. Perfectionist Aamir wiilkiisa yar Azad Rao Khan waxaa loo dhalay asigoo 46-jir ah waxaana xusid mudan in nidaamka Surrogacy ku dhashay Azad oo ah in hooyo kale caloosha ku qaaday sidoo kalena dhashay kadibna lagu soo wareejiyay Aamir iyo xaaskiisa Kiran Rao.

#5. Sohail Khan: Sohail iyo Seema waxay go’aansadeen inay ubad labaad helaan 10-sano kadib wiilkooda kowaad Nirvaan. Sohail wuxuu jiray 42-sano markii wiilkiisa labaad Yohan uu ku dhashay nidaamka Surrogacy.

La Soco Qaybta Labaad Atoorayaasha Bollywood-ka Ee Aabo Noqdeen Ayagoo Da’dooda 40-sano Dhaaftay..