Home » . » 10-Jilaa Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaas Oo Iska Diideen Sameynta Filimada Hollywood Blockbuster Noqdeen

10-Jilaa Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaas Oo Iska Diideen Sameynta Filimada Hollywood Blockbuster Noqdeen

Waxaan idiin heynaa warbixin aan kasoo xiganay Business Of Cinema oo looga hadlaayo 10-jilaa oo Bollywood-ka awood ku leh kuwaas oo iska diideen sameynta filimo Hollywood Blockbuster weyn noqdeen.

Lagama hadlaayo in jilaayaasha Bollywood-ka iska diideen filimo Hollywood ah ee waxaa laga hadlaa jilaayaasha Bollywood-ka filimada waa weyn ee caalamka gil gileen kuwaas oo ay sameyntooda iska diideen sidoo kalena Hollywood-ka iska leeyihiin:

1. Shah Rukh Khan: Slumdog Millionaire: The King of Bollywood wuxuu fursad qaali ah u heestay sameynta filimka Slumdog Millionaire kaasi oo Blockbuster weyn noqday sidoo kalena bilado badan ee Oscar ah lagu qaatay.

Director Danny Boyle ayaa SRK u bandhigay doorka Anil Kapoor laakiin SRK wuu ku gacan seeray doorkaas asigoo mid yar u arkay, laakiin nasiib wanaag Anil Kapoor ayaa magac weyn ku helay.

2. Deepika Padukone – Fast & Furious 7: Inkastoo bilawgii sanadkaan ay Deepika sameeyay filimkeedii kowaad ee Hollywood ah xXx: Return of the Xander Cage kaasi oo Flop noqday hadana fursad qaali ah ayaa soo martay.

Sanadii 2015 Deepika waxaa loo soo bandhigay inay door muhiim ah ku yeelato filimka FF7 balse wey ku gacan seertay laakiin dib ayay uga shaleesay madaama filimkaan Blockbuster weyn noqday $1-bilyan ka badana uu lacag ahaan soo xareeyay.

3. Aishwarya Rai Bachchan – Troy: Nasiib xumaa quruxleydaan waayo filimkii weynaa ee dunida oo dhan laga soo dhaweeyay Troy ayaa door weyn looga soo bandhigay laakiin wey ku gacan seertay.

Aishwarya Rai waxay ku diidan filimka Troy inay muuqaal dareen ku dheehan la wadaagto Brad Pitt, waxaana dhacday in xidigtaas filimkaan sidaas isaga baxday inkastoo doorkeedii Briseis uu noqday mid Oscar loogu tartamay.

4. Ronit Roy – Zero Dark Thirty: atoorahan door walbo sameyn karo wuxuu helay fursad qaali ah ee uu door muhiim ah kaga yeelan lahaa filimka Oscar-ka lagu qaatay Zero Dark Thirty.

 

Ronit Roy sameynta filimka Zero Dark Thirty wuxuu ka door biday filimka Student of The Year oo uu door aabonimo ku matalaayo.

5. Priyanka Chopra – Immortals: Inkastoo filimkeeda kowaad Hollywood-ka ah Baywatch ganacsi ahaan bur buray hadana xili hore ayay iska diiday fursad ay Hollywood-ka ku gali laheyd.

PC door weyn ayaa looga soo bandhigay filimkii guusha lixaada leh gaaray Immortals laakiin wey ku gacan seertay waxayna ka door biday sameynta filimka 7 Khoon Maaf kaasi oo Flop noqday.

Priyanka qasaaradeeda waxay faa’iido weyn u noqotay Frieda Pinto oo lagu badalay doorkeeda filimka Immortals wuxuu ka caawiyay filimkaan inay Hollywood-ka galaan gal xoogan ku yeelato.

La Soco Qaybta 2-aad Jilaayaasha Bollywood-ka Ee Iska Diideen Filimo Hollywood Blockbuster Noqdeen……………………..