Waxaan wada ognahay in Bollywood-ka iyo siyaasada xiriir ka dhaxeynin balse dhawaanahan wey isku dhex darsameen marka loo fiiriyo in jilaayaal badan fanka Hindiya ka tirsan siyaasiyiin noqdeen weliba xilal sare sare qabteen.

Hadaba waxaan idiin heynaa 10-jilaa oo fanka Hindiya caan ah waalidiintoodana ay noqdeen ama yihiin siyaasiyiin gudaha Hindiya laga yaqaano:

Riteish Deshmukh: xidigaan waxaa aabo u ah siyaasiga caanka ah Vilasrao Deshmukh kaasi oo labo jeer noqday wasiirka ugu sareyso is maamulka gobolka Maharashtra 1999 ilaa 2003 iyo 2004 ilaa 2008.

Sidoo kale Riteish aabihiis Vilasrao Deshmukh mar wuxuu noqday wasiirka cilmi baarista iyo hormarinta seyniska sidoo kalena xil dhibaan ayuu mudo dheer soo ahaa.

Vilasrao Deshmukh wuxuu geeriyooday 14 August 2012 kadib markii kilyaha iyo beerka fariisteen ama shaqada gabeen.

Abhishek Bachchan: xidigaan hooyadiis Jaya Bachchan waxay noqotay xili dhibaan sanadii 2014 sidoo kalena waa siyaasiyad gudaha Hindiya saameyn ku leh, waxaana xusid mudan sanadii 2014 in Jaya Bachchan la siiyay abaal marinta haweeneyda ugu wanaagsan Hindiya ee baarlamaanka shacabka u matasho.

Sanjay Dutt: ruug cadaagaan aabihiis darajo sare ayuu fanka Hindiya ka gaaray sidoo kalena wuxuu ahaa siyaasi awood badan, wuxuuna Sunil Dutt loo doortay wasiilka dhalinyarada iyo isbortis-ka Hindiya intii u dhaxeesay 2004 ilaa 2005.

Sidoo kale Sunil Dutt gabadhiisa ama Sanjay Dutt walaashiis Priya Dutt waxay noqotay xil dhibaanad qaran, balse Sanjay qoyskiisa ma raacin madaama fal dambiyeed kala duwan lagu helay xabsi 5-sano ahna lagu xukumay sanadii 2013.

Sonakshi Sinha: atirishadan aabaheeda Shatrughan Sinha waa ruug cadaa mudo dheer Bollywood-ka ka tirsanaa balse sanadii 1991 ayuu xil dhibaan qaran u tartamay balse nasiib daro waxaa booska kaga guuleestay Rajesh Khanna oo isagana jilaa ahaan jiray.

Laakiin sanadii 2009 ayuu Shatrughan Sinha ku guuleestay kursiga aqalka baarlamaanka Hindiya ilaa haatana sedex doorasho uu galay marwalbo wuu guuleestaa waana siyaasi saameyn leh.

Esha Deol: xidigtaan waxaa hooyo u ah Hema Malini oo fanka Hindiya maqaamkii ugu sareeyay ka gaartay laguna doodo inay tahay atirishada ugu guulaha badan ebid Bollywood-ka soo martay.

Sanadii 1999 ayay siyaasada ku biirtay ilaa haatana aqalka Hindiya looga arimiyo kama bixin waxayna la halgantaa siyaasiyiin kala duwan waa shaqsi saameyn leh.

Waxaa xusid mudan Hema Malini oo ka tirsan xisbiga talada Hindiya haayo BJP inay sanadii 2014 kursigeeda doorashada ku heshay codad gaarayo 330,743 oo cod taasi oo muujisay jaceylka ay shacabka u qabaan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here