Shabakada Box-office India ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalka sanadlaha ahaa ee awooda atoorayaasha Bollywood-ka iyo darajooyinka la kala gaaray (Star Power Ranking).

Hadaba maqaalka BOI soo daabacday oo aan idiin soo turjumnay hoos kaga bogo iyo sida loo kala sareeyo sanadkaan 2019:

Salman Khan ayaa kaalinta kowaad ku dhameestay sanadkaan Star Power-ka atoorayaasha waana kahor inta aan la daawanin Filimkiisa Dabangg 3 hadii Dabangg 3 guul weyn gaaro si wanaagsana kufurmo hubaal ahaan dhibcihiisa Star Power-ka sare ayee usii kacayaan hogaankiisana wuu sii adkaan doonaa.

Kaalinta lahaad waxaa soo galay Ranbir Kapoor sanadkaan ama December 2019 sababtana waxay tahay in dhibco badan meel u yaalaan oo uu ka helay Filimka Sanju kaaso 2018 la daawaday xili aan fasax ahen ayaana tiyaatarada la saaray dhibco waali ah ayuu Ranbir Filimkaan ka helay oo seddexdii biloodba mar wax loogu daraayey Star Power-kiisa sidaa aawged seddexdii bilood udambeysay ilaa December laga gaaro dhibcihii Ranbir u yaaleen ee Sanju horey ugu shaqeestay markii loogu daray kaalinta labaad ayuu kasoo galay 10-ka atoore ugu awooda badan December 2019.

Akshay Kumar ayaa kaalinta seddexaad soo galay waxaa macquul ahaan laheed in Akki kaalinta labaad soo galo sanadkaan waa hadii Houseful 4 si waali ah ku furmi lahaa laakiin Diwali nidaamsan kuma soo hagaagin sidaa aawged H4 si xadidan ayuu ku furmay taasi oo sababtay in Akshay uu booska seddexaad soo galo isagoo u qalmay booska labaad.

Hrithik Roshan ayaa dhibco badan ku helay Filimkiisa u dambeyay ee WAR waxuuna iska guday dhibco deen ah oo lagu lahaa misane uu lumiyay 6 bilood u dambeysay sido kale Tiger Shroff ayaa asna dhibco fiican ku helay WAR sido kale labadan atoore waxay la yimaadeen min hal filim kale oo kala ah Super 30 iyo Student of The Year 2 kuwaaso ka caawin waayeen in sare usoo qaadaan Star Power-kooda ama dhibcahooda sababtana waa in fagtii hore aflaamtan sifiican ku furmin ama seddexdii maalmood ugu horeysay.

Waxaa hoos udhaceen oo kaalmaha dambe laga helay Aamir Khan iyo Shah Rukh Khan waxaana ugu wacan Filimo guul dareesteen inee la yimaadeen, Aamir seddexdii sano u dambeyeen hal Filim ayuu la yimid waana Thugs of Hindostan kaaso ka guul dareestay balse qaabka uu kufurmay oo wacneed ayaa Aamir ka caawisay inuu kaalinta 4-aad xajisto.

Dhanka kale Akshay Kumar iyo Ranbir Kapoor Filimo waaweyn ayaa u diyaarsan 2020 oo ay kula tartami karaan kaalinta kowaad ee Salman Khan kujiro waqtigaan in mudo ahna uu kursigan isaga fadhiyay waxaa la hubaa oo cad in tobonkii sano u dambeysay (2010-2019) uu Salman Khan hogaanka fanka hindiya soo hayey kaalinta kowaadna kusoo dhameestay Star Power-ka.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ugu dhibcaha badan dhanka awooda atoorayaasha (Star Power-ka) ayadoo lagu saleeyay habka Filimka fagta hore kufurmo ganacsi ahaan:

1-Salman Khan: 1630 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 1842 dhibcood.

2-Ranbir Kapoor:930 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 871 dhibcood.

3-Akshay Kumar: 685 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 658 dhibcood.

4-Aamir Khan: 600 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 1005 dhibcood.

5-Tiger Shroff: 586 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 239 dhibcood.

6-Ranveer Singh: 567 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 680 dhibcood.

7-Hrithik Roshan: 522 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxaa loogu lahaa 105 dhibcood deen ah.

8-Ajay Devgn: 325 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 553 dhibcood.

9-Shah Rukh Khan: 155 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 337 dhibcood.

10-Varun Dhawan: 45 dhibcood ayuu helay Dec 2019 horeyna waxuu u heestay 156 dhibcood.

F.G: Atoorayaal qaarkood dhibco deen ah ayaa lagu lahaa oo ay lumiyeen bilooyinkii u dambeyeen, sido kale bixinta dhibcaha waxay ku Base-gareysan yihiin sida atoorahaa Filimkiisa fagta hore ku furmo ama seddexda maalmood ugu horeyso ayadoo lagu jaan goynaayo sharciga seddex bilood walba ee sanadkii ah ama xiliga uu soobaxo Filimkaas bilaha lagu jiray xeendaabkii dhibcaha u yiileen oo lagu jaan gooynaayo.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here