Home » Baaghi 2 » 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sanadkaan oo lasoo bandhigay

10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sanadkaan oo lasoo bandhigay

Shabakada Boxoffice India ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya daafaha caalamka.

Filimka Padmaavat ayaa lacagaha ugu badan sanadkaan 2018 soo xareeyay wuxuuna keenay 545 crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka (Worldwide Gross).

Taariikh ahaan Padmaavat kaalinta 7-aad ayuu kaga jiraa filimada Hindiga ah ee ganacsiga ugu badan sameeyeen isku darka dibad iyo dal waxaana ka horeeyaan oo kaliya Bahubali – The Conclusion, Dangal, PK, Bajrangi Bhaijaan, Sultan iyo Tiger Zinda Hai.

Dhinaca kale Baaghi 2 ganacsigiisa wuxuu ku istaagayaa 245 crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka asigoo noqonaayo filimka labaad ee lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyo ama filimka 22-aad ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyo isku darka dibad iyo dal.

Tiger Shroff awood ahaan sare u kac aan caadi ahayn ayuu sameeyay madaama Baaghi 2 ka hor filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka uu ahaa Baaghi oo keenay 126 Crore!

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sanadkaan 2018:

1. Padmaavat – 545 crore

 

 

2. Baaghi 2 – 243 crore (25-maalmood)

 

 

3. Sonu Ke Titu Ki Sweety – 150 crore

 

 

4. Raid – 145 crore (40-maalmood)

 

 

5. Pad Man – 124 crore

 

 

6. Hichki – 75 crore (33 Days)

 

 

7. October – 52 crore (12-maalmood)

 

 

8. Pari – 40 crore

 

 

9. Aiyaary – 33 crore

 

 

10. Hate Story 4 – 25.50 crore