Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday 10-ka filim ee sanadkan 2020 lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen weliba sedexda bilood sanadkan ugu horeyso waxayna shabakdadan si rasmi ah ugu dhawaaqday in Tanhaji uu yahay filimka kaliya ee suuqyada caalamka HIT ka noqday sanadkan weliba guusha Ajay filimkiisa waxaa siweyn u caawisay suuqyada  US / Canada and Australia ganacsiga adag uu ka sameeyay gaar ahaan US/Canada oo 50% ganacsigiisa dibada u ka keenay.

Dhinaca kale Baaghi 3 isagana HIT ayuu noqon lahaa madaama ganacsigiisa dibada ku sucday $4.50m inuu gaaro balse nasiib daro tiyaaratada caalamka oo la xiray halista Corona Virus awgeed ayaa u diiday Tiger filimkiisa inuu darajadaas gaaro si uu HIT u noqdo wuxuuna sida guud noqday Semi HIT inkastoo suuqa Gulf-ka uu HIT ka noqday madaama uu kasoo xareeyay $1.5m

Dhinaca kae Ayushmann Khurrana filimkiisa Shubh Mangal Zyaada Saavdhan isagana suuqyada caalamka AVERAGE ayuu ka noqday ama filim guuleestay madaama uu $1.96m soo xareeyay inkastoo suuqyo baan filimkan daawashadiisa laga mamnuucay.

Sidoo kale Aditya Roy Kapur filimkiisa Malang isagana wuu guuleestay wuxuu noqday AVERAGE madaama uu suuqyada caalamka ka keenay $2m weliba si gaar ah ganacsigiisa 50% wuxuu ku xeen daabnaa Gulf-ka ama Khaleej-ka.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee sanadkan 2020 lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen oo ay Bollywood-ka sameeyeen soona daabacday xogtaan shabakada BOI:

1. Tanhaji – The Unsung Warrior – $4,680,000

2. Baaghi 3 – $3,500,000

3. Street Dancer – $2,210,000

4. Malang – $2,050,000

5. Shubh Mangal Zyaada Saavdhan – $1,960,000

6. Chhapaak – $1,650,000

7. Love Aaj Kal – $1,520,000

8. Jawaani Jaaneman – $1,430,000

9. Thappad – $1,180,000

10. Panga – $1,100,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here