Sanadkan 2020 sanad wanaagsan uma ahan Bollywood-ka madaama dhibaato xoogan Coronavirus-ka u geestay weliba tan iyo horaantii bisha Maarso ilaa iminka tiyaatarada Hindiya wey xiran yihiin waxayna shirkadan la kulantay qasaaro xoogan ayadoo malaayiin lacagaha doolarka Mareekanka qasaartay.

Balse aqbaarta wanaagsan waxay madaama Hindiya iyo dunida inteeda badan bandow ku jirto in aflaanta Bollywood-ka siweyn looga daawaday Digital-ka ama si Online ah sidoo kalena aflaanta Bollywood-ka ee shirkadaha adeega Online-ka ah bixiyaan iibsadaan lacago adag ayay Bollywood-ka ka helaan.

Waxaan idiin heynaa 10-ka filim ee sanadkan 2020 Digital-ka ama si Online ah looga daawaday Internet-ka ee loogu daawasho badan yahay ama dadka ugu badan si Online ah u daawadeen:

Baaghi 3, Disney + Hotstar: Tiger iyo Shradda filimkooda tiyaatarada marka uu 10-maalmood saarnaa la xiray balse nasiib wanaagsan dhanka Digital-ka wacdaro waali ah ayuu ka dhigay.

Malang, Netflix: Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu filimkooda barta Neflix kaalinta kowaad ayuu ka galay aflaanta loogu daawasho badan yahay sanadkan.

Tanhaji: The Unsung Warrior, Disney + Hotstar: Ajay Devgn filimkiisa tiyaatarka iyo Digital-ka labaduba Blockbuster taariikhi ah ayuu ka noqday.

Love Aaj Kal, Netflix: Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan filimkooda tiyaatarka wuu ku fashilmay balse Digital-ka Big Hit ayuu ka noqday siweyna waa loo daawaday Online ahaan.

Housefull 4, Disney + Hotstar: Akshay Kumar iyo kooxdiisa Housefull 4 meel walbo wey qabsadeen marka kowaad Dilwai 2019 filimkan tiyaatarada ayuu Super Hit ka noqday kadib dhanka TV-yada ayuu All Time Blockbuster ka noqday haatana Digital-ka ayuu Blockbuster weyn ka noqday.

Bhoot Part One – The Haunted Ship, Amazon Prime: Vicky Kaushal iyo Bhumi Bednaker filimkooda cabsida badan tiyaatarada lagama soo dhaweynin balse Digital-ka HIT weyn ayuu ka noqday.

War, Amazon Prime: Hrithik iyo Tiger filimkooda sanadkii hore wuxuu ahaa midka lacagaha ugu badan tiyaatarada kasoo xareeyay oo Blockbuster weyn ah, kadib TV-yada ayuu qabsaday uu Blockbuster ka noqday haatana Digital-ka ayuu Blockbuster kale ka noqday.

Angrezi Medium, Disney + Hotstar: Waanka xunahay Irrfan Khan-kii geeriyooday filimkiisii ugu dambeeyay tiyaatarka markii uu 4-maalmood saarnaa waa la xiray balse haatan dhanka Digital-ka ayuu HIT weyn ka noqday.

Uri: The Surgical Strike, ZEE5: Vicky Kaushal filimkiisa 2019 Blockbuster taariikhi ah ayuu noqday kadibna TV-yada guul wacan ayuu ka gaaray balse haatan dhanak Digital-ka ayuu HIT weyn ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here