10-KA SIRDOON EE UGU XOOGAN ADUUNKA. Qeybtii 3aad.

0
569

Aduunka waxaa ka buuxo loolan aad u xoog badan iyo dhibaatooyin tiro badan sidaas owgeed waxaa markasta qasab ah in dowlada la ilaaliyo oo mawaadiniinteeda la ilaaliyo sidoo kalana danaha dowlada la ilaaliyo si arintaas u hirgashana waxaa laga maarmaan noqday in dowlad kasta yeelato sirdoon u gaar ah misna danaheeda ka taliyo.

In dowlada ay ahaato mid lugo adag ku taagan isla markaasna ahaato mid daganaanshaha amni ku xoogan kana hortagto waxkasta oo qalalaaaso amni keeni karo waa mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee sirdoonada aduunka loo aasaasay kuwaasoo kaalin mugweyn leh ka qaato inuu wadanka ka ilaaliyo halis kasta oo uga imaan karto gudaha iyo dibadaba.

Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa 10ka dowladood ee leh sirdoonka ugu xoogan aduunka. (Qeybtii 3aad).

6-Research and Analysis Wing (RAW) Garabka baaritaanada iyo taxliilinta.

Waxaa kaalinta 6aad inoo soo gashay RAW oo ah wakaalada sirdoonka INDIA waxaana sirdonkaan la aasaasay sanadkii 1968dii masuuliyadiisana waxaa kamid ah aruurinta xogaha dibada iyo la dagaalanka argagaxisa sidoo kalan waxay xogo ka aruusaa xukuumadaha dowladaha kale iyo shakhsiyaadka ka masuulka ahba.

RAW sidoo kale waxay la socotaa dhaqdhaqaaqa shirkada ajaanibta ee wadanka ka howl galo waxayna wakaaladaan basaasiinteeda ku soocanyihiin ayagoo aad u yaqaano taxliilinta iyo qiimeynta macluumaadka soo gaaro sidaas owgeed waa kuwa si xoogan uga adag ilaalinta amniga wadankooda.

5-Mossad (Isra’il) wakaalada sirdoonka iyo howlgalada khaaska ah

Waxaa kaalinta 5aad inoosoo galay wakaalada sirdoonka yahuuda ee loo yaqaano Mossad waxaana wakaaladaan la aasaasay sanadkii 1949kii waxayna muhiimadeeda tahay ilaalinta amniga gudaha, aruurinta macluumaadka, iyo fulinta howlgalada sirta ah.

Sidoo akel wakaaladaan waxay u xilsaarantahay ilaalinta amniga jaaliyadaha yahuuda meelkasta oo ay aduunka ka joogaan, waxayna basaasiinta wakaaladaan dhaqdhaqaaqyo weyn ka sameeyaan gudaha wadanka ay xooga ku heystaan ee falastiin iyo wadamada dibadaba gaar ahaan wadamada bariga dhexe.

Mossadka waxay horay uga fuliyeen howlgalo kala duwan wadamada bariga dhexe, Asia, USA, UK iyo wadamo kaloo badan gaar ahaan yurub waxayna tani kuu cadeynee awooda ay leeyihiin Mossadka yahuuda ayagoona sidoo kale kamid ah sirdoonada ugu xooga badan aduunka.

Howlagalada sirtda ee ugu waaweynaa kuwaasoo ay fuliyeen waxaa kamid ah; iney soo afduubteen mid kamid ah hogaamiyayaashii naasiyiinta Germany Adolfe Ikhman waxayna kasoo afduubteen gudaha wadanka Argentina sanadkii 1960kii ayagoona usoo tahriibiyay wadanka israa’iil halkaasna ku daldalay.

Mossadka sidoo kale waxay shirqoolo ku dileen inbadan oo kamid ah masuuliyiinta jabhadaha xoreynta falastiin kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi Karin waxayna sirdoonka Mossadka sidoo kale ka ganacsadaan macluumaadka ay hayaan gaar ahaan kuwa ay ka hayaan dowladaha aysan gaashaan buurta aheyn.

La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here