10-KA SIRDOON EE UGU XOOGAN ADUUNKA. Qeybtii 4aad.

0
776

Aduunka waxaa ka buuxo loolan aad u xoog badan iyo dhibaatooyin tiro badan sidaas owgeed waxaa markasta qasab ah in dowlada la ilaaliyo oo mawaadiniinteeda la ilaaliyo sidoo kalana danaha dowlada la ilaaliyo si arintaas u hirgashana waxaa laga maarmaan noqday in dowlad kasta yeelato sirdoon u gaar ah misna danaheeda ka taliyo.

In dowlada ay ahaato mid lugo adag ku taagan isla markaasna ahaato mid daganaanshaha amni ku xoogan kana hortagto waxkasta oo qalalaaaso amni keeni karo waa mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee sirdoonada aduunka loo aasaasay kuwaasoo kaalin mugweyn leh ka qaato inuu wadanka ka ilaaliyo halis kasta oo uga imaan karto gudaha iyo dibadaba.

Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa 10ka dowladood ee leh sirdoonka ugu xoogan aduunka. (Qeybtii 4aad).

4-Federal Security Service(Federal’naya sluzhba bezopasnosti ) (FSS). Khidmooyinka amniga federaalka.

Waxaa kaalinta 4aad inoo soo gashay wakaalada sirdoonka Rusia taasoo ah midi badashay wakaalada sirdoonka soofeetkii la riday waxayna wakaaladaan masuul katahay uruurinta macluumaadka loo baahanyahay si wadanka looga ilaaliyo khatar kasta oo kusoo wajahan sidoo kalana waxay ka hor tagtaa jariimooyinka nooc walba ha ahaadeen.

Sida ku qoran qaanuunka federaalka Rusia wakaaladaha sirdoonka Rusia waxay inta badan shabahaan ciidamada milatriga balse waxay kaga duwanyihiin in Agentiyadooda aysan tuutaha milatariga xirneyn markii howlagalada fulinayaan waxaana FSB lagu tiriyaa mid kamid ah wakaaladaha sirdoon ee ugu fiican aduunka.

3-Millitary Intelligence Section 6 (MI6).

Waxaa kaalinta 3aad inoo soo galay wakaalada sirdoonka UK waxayna wakaaladaan la howgashaa waakalada kale ee iyadana sirdoonka ah balse gudaha wadanka UK ka howlgasho ee MI5 iyo sirdoonka wasaarada difaaca DI si lamid ah xaruunta isgaarsiinta xukuumada ee GCHQ.

Wakaaladaan MI6 iyada ayaa sidoo kale ka masuul ah uruurinta dhamaan macluumaadka qiimaha u leh xukuumada Britain, waxayna wakaaladaan heystaan basaasiinta ugu xoogan uguna fiican aduunka waxayna caan ku yihiin in howlaglo sir ah ka fuliyaan gudaha wadanka iyo dibadiisaba.

Hadii aad daawatay filimada laga matalay James Bond dabcan waad taqaanaa wakaalada MI6 ayadoona sidoo kale wakaaladaan caan ku tahay adeegsiga tiknoolijyada casriga iyo gabdho qurux badan isla markaasna loo tababaray howlaha basaasnimad

La soco qeybta 5aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here