10-KA SIRDOON EE UGU XOOGAN ADUUNKA. Qeybtii 5aad.

0
650

Aduunka waxaa ka buuxo loolan aad u xoog badan iyo dhibaatooyin tiro badan sidaas owgeed waxaa markasta qasab ah in dowlada la ilaaliyo oo mawaadiniinteeda la ilaaliyo sidoo kalana danaha dowlada la ilaaliyo si arintaas u hirgashana waxaa laga maarmaan noqday in dowlad kasta yeelato sirdoon u gaar ah misna danaheeda ka taliyo.

In dowlada ay ahaato mid lugo adag ku taagan isla markaasna ahaato mid daganaanshaha amni ku xoogan kana hortagto waxkasta oo qalalaaaso amni keeni karo waa mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee sirdoonada aduunka loo aasaasay kuwaasoo kaalin mugweyn leh ka qaato inuu wadanka ka ilaaliyo halis kasta oo uga imaan karto gudaha iyo dibadaba.

Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa 10ka dowladood ee leh sirdoonka ugu xoogan aduunka. (Qeybtii 5aad).

2-Central Intelligence Agency (CIA). Wakaalada dhexe ee sirdoonka.

Waxaa kaalinta labaad inoo soo gashay wakaalada dhexe ee sirdoonka Mareykanka CIA-da waana mid kamid ah wakaalada ugu caansan uguna xooga badan sidoo kalana ugu weyn uguna qarashka badan aduunka waxaana wakaaladaan ka howlgalo kumanaan jaasuusiin ah waxayna howshoodu tahay uruurinta macluumaadka ay u baahanyihiin kuwaasoo xiriir la leh amniga gudaha iyo kan dibadaba.

CIA waxay sidoo kale howgalo sir ah ka fulisaa meelkasta oo aduunka ka tirsan waxaana wakaaladaan la sheegaa iney tahay wakaalada qarashka ugu badan ku baxaan aduunka kaliya waxaa ka qarash badan wakaalada NSA oo iyada qudheeda CIA-da u adeegto balse qarashka guud ee wakaaladaan ayaa ka badan 30 Billion sanadkii waxayna tani ku tusineysaa sida wakaaladaan u xoogantahay.

1-Inter-Services Intelligence (ISI).

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso waa tuma wakaalada ka weyn wakaalada sirdoonka aduunka ugu weyn ee CIA-da dabcan majirto wakaalad ka weyn balse waxaa jirto wakaalad ka fiican waana wakaalada sirdoonka Pakistaan ee loo yaqaano ISI.

Sirdoonka Pakistaan waa mid kamid ah kuwa ugu waaweyn aduunka waana wakaalada ugu fiican markii sheekada basaasnimo timaado waxaana wakaaladaan la aasaasay sanadkii 1948dii xiligii uu socday dagaalkii India iyo Pakistaan waxayna wakaaladaan masuul katahay amniga guud ee wadanka ha ahaado midka gudaha ama dibada halista kasoo wajihi karto waxayna sidoo kale dagaal ba’an la gashaa argagaxisada caalamiga ayadoona howlaha ugu waaweyn ay qabatay kamid tahay in argagaxisada la dagaalantay kana guuleysatay.

Wakaaladaan waxay xiriir la leedahay wakaaladaha ugu badan aduunka waxayna hada kahor dagaal lagashay wakaalada sirdoonka Rusia KGB iyo wakaalada sirdoonka India ee WAR kuwaasoo wadajiray ayadoona dagaalka kaga awood roonaatay waxayna qalqal galisay amniga guud ee wadanka India tan ugu weyn ee wakaaladaan la timid ayaa waxay tahay qaabka sirta badneyd ee la fahmi waayay taasoo ay Pakistaan ku sameysteen hubka wax gumaada ee Nukleerka.

Wakaaladaan waxay sidoo kale wakaaladaha aan soo sheegnay kaga duwantahay inausan macquul aheyn in xog laga ogaado khaasatan qaabka ay ku howlgalaan majirto cid sheegi karto waxaana wakaaladaan lagu tilmaamaa dowlad dowlad kale ku dhex jirto waana wakaalada ugu daahsoon aduunka.

ISI waa wakaalada uu qarashka ugu yar ku baxo maraakn ka hadalno wakaaladaha aan soo sheegnay sidaas oo ay tahayna waa wakaalada ugu fiican aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here