10-KA SIRDOON EE UGU XOOGAN ADUUNKA.

0
595

Aduunka waxaa ka buuxo loolan aad u xoog badan iyo dhibaatooyin tiro badan sidaas owgeed waxaa markasta qasab ah in dowlada la ilaaliyo oo mawaadiniinteeda la ilaaliyo sidoo kalana danaha dowlada la ilaaliyo si arintaas u hirgashana waxaa laga maarmaan noqday in dowlad kasta yeelato sirdoon u gaar ah misna danaheeda ka taliyo.

In dowlada ay ahaato mid lugo adag ku taagan isla markaasna ahaato mid daganaanshaha amni ku xoogan kana hortagto waxkasta oo qalalaaaso amni keeni karo waa mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee sirdoonada aduunka loo aasaasay kuwaasoo kaalin mugweyn leh ka qaato inuu wadanka ka ilaaliyo halis kasta oo uga imaan karto gudaha iyo dibadaba.

Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa 10ka dowladood ee leh sirdoonka ugu xoogan aduunka.

10-Ministry of State Security (MSS) wasaarada amniga ee dowlada.

Wasaarada amniga dowlada shiinaha oo laga soo gaabiyo MSS ayaa kaalinta 10aad kasoo gashay sirdoonada ugu xoogan aduunka ayadoona MSS ay jiheyso dhamaan wakaaladaha sirdoonka China waxaana MSS lagu tiriyaa mid kamid ah sirdoonada aduunka ugu fiican.

MSS waxay aruurisaa xog kasta oo macluumaad ah kuwaasoo muhiim u ah ilaalinta amniga wadanka iyo daganaantiisaba, hadafkooda ugu weyn waa kahortagida jaasuusiinta wadamada kale si lamid ah waxay baadigoob ugu jiraan dhamaan wixii cadow ku ah xizbiga shuuciga ah ee wadanka xukumo ayagoona ka takhalusan cid kasta oo halis ku ah amniga wadankooda.

9-Directorate-General for External Security (DGES). Maamulka guud ee amniga dibada.

DGES iyo DGSI waa labo sirdoon oo ay Frnce leedahay kuwaasoo isla howl galo waxayna labaduba ka mideysan yihiin iney kahortagaan haliskasta oo wadanka soo wajahdo halistaas ha ahaato mid dibada ka timid ama mid gudaha ahba, sidoo kalana iyaga ayaa masuul ka ah ilaalinta amniga wadanka.

DGES sida sirdoonka dowladaha kalaba yada ayaa ka masuul ah howlagalada arimaha dibada ah waxaana hey’adaan sirdoonka ah lagu tiriyaa mid kamid ah sirdoonada ugu fiican aduunka waqti xaadirkaan la joogo.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here