Home » Box Office » 10-Kan Filim Miyay Awood U Leeyihiin Inay Jabiyaan Rikoorada Filimka Baahubali

10-Kan Filim Miyay Awood U Leeyihiin Inay Jabiyaan Rikoorada Filimka Baahubali

habeen wacan akhristayaasheena qiimaha badan caawa waxan idin hayaa maqaal ka hadlaya 10 filim kuwaaso la sadaalinaayo inay jabin doonan rikoorada filimka baahubali laakiin iyadoo in la arko sida filim baahubali oo kale ay dhacdo qarnigiiba mar laakiin hadda baahubali

Baahubali  waa mashruuc weyn misane ah Blockbuster-ka ugu weyn qarnigan asigo labadiisa qaybood ay noqdayn All Time Blockbuster

Baahubali labadiisa qeybood waa kuwo qaanad gaar ah ku jiraan sidoo kalena aan la gaari karin tayo ahaan iyo ganacsi ahaan balse filim walbo laguma qaban karo Baahubali xitaa haddii ganacsiga aflaanta iyo tayada filimada laga hadlaayo.

waxaa laga tusaale qaatay waxyaabo badan madaama hadda soo saare walba uu doonayo inuu sameeyo filim boqortooyo ama qisooyin hore u dhacay waana mid lays leeyahay waa kan lagu soo jiidan karo dad weynaha madaama baahubali sheekadiisa ay ahayd mid boqortooyo

fadlan hoos ka aqriso liiska 10 kaas filim

1. takht

filimkan waxaa hogaamiyaal ka ah aktarada kala ah ranveer singh vicky kaushal alia bhatt kareena kapoor khan jahnvi kapoor iyo anil kapoor waxaana director ka ah ninkan lagu magacaabo karan johar

filimkan waxa uu ka hadlaya dagaal dhanka u dhaxeeyay dara labada boqortooyo ee kala ah shikhoh iyo aurangzep

2. brahmastra

filimkan waxaa hogaamiyaal ka ah aktarada amithab bachachan ranbir kapoor iyo aliabhatt waxaana soo saare ka ah karan johar waxaana la daawan doona 15 April Sanadka Dambe

3. kalank

filimkan waxaa filim kale oo uu soo saare ka yahay karan johar waxaana hogaamiye ka yihiin aktarada kala ah mandhuri dixit sanjay dutt varun dhawan ali bhatt aditya roy kapur sonakshi sinha waxaana filim ka hadlaya xilligii xurnimo doonka dalka india sanadkii 1947

4. taanaj

kani waa ajay devgan mashriica ugu weynaa madaama uu soo saare iyo hogaamiye ka yahay waana ka hadlaya qisada dagaal-yahanka tanaji malusare

sidoo kale waxaa qayb ka ah aktarka saif ali khan oo jili doona doorka xumaanta ama laadarka filimkan waxaana la daawan doona bisha november sanadka dambe

5. panipat

filimkan waxaa directer ka ah ninka sameeyay aflaamta kala ah lagaan iyo jodha akbar sidoo kale waxa hogaamiye ka aktarada kala ah sanjay dutt arjun kapoor kriti sanon

6. 2.0

filimkan waa mid ka mid ah aflaamta u sharaxan Inuu jabin doono iskoorada filimka baahubali waxaana hogaamiye ka ah labada aktar awooda leh ee kala ah Rajnikanth iyo akshay kumar

waxaana uu yahay filimka india ah kaaso lacagaha ugu badan lagu qarash-gareeyay waxaana la daawan doona 29 November sanadkan

7. thug of hindustani

kani waa mid la hubo inoo noqonaayo blockbuster midaas su’aal kama taagna kaliya waxaa la fiirin doona haddii uu jabin doono rikoorada filimka baahubali sababtoo ah

filimkan waxaa ku midoobayn labada aktar ee aan kala dhicin ee kala ah amir khan iyo amithab bachachan waxaana la daawan doona diwali sanadkan

8. kesari

kani waa filimka kale oo ka hadlaya qisooyin horeu dhacay kaaso ah battle of sargarhi waxaana hogaamiye ka ah aktarka akshay kumar waana filim lagu qarash-gareeyay lacag fara badan

9. 83

filimkan waxaa ay sheekadiisa tahay xilligii india ay ku guuleysatay koob adduunka ee cricket ka ranveer singh ayaa ciyaari doona doorka captain ka india u horseeday koobka ninka lagu magacaabo kapil dev

10. shamshera

tayada ranbir kapoor tusaale wanaag shirkadda yash raj films iyo sheeko toosan waxaa ay filimkan ka dhigaysaa mid sameeya ganacsi waali ah ranbir Kapoor ayaa filimkan ku jili doono doorka dagaal-yahanka lagu magacaabo shamshera

2 Responses to 10-Kan Filim Miyay Awood U Leeyihiin Inay Jabiyaan Rikoorada Filimka Baahubali

  1. Yusuf

    October 17, 2018 at 11:40 pm

    hhhhhhhh
    aaway Zero mise Wax a ka awood batay ranVeer sing hhhhhhhhhhh
    halayga jaahil bixiyo

    • Jabriil Abdikadir

      October 17, 2018 at 11:43 pm

      sxb maqaalkan kuma jiro filimka zero shabakad Ayan kasoo xiganay ee maahan waxa aan anaga iska qornay Mahadsanid