Waxaa jira xiddigo ka tirsan Bollywood Film Industry kuwaasoo jaceyl isku qaaday iyagoo aflaan isla sameynaya ka dibna go’aansaday inay nolosha dhabta ah qeybsadaan.

Qaarkood ayaa si dhab ah uga rumeeyey riyadooda, balse waxaa jira qaar xiriirkoodu uu fashilmay daqiiqadii ugu dambeysay.

Halkaan waxaan kusoo qaadan doonaa warbixin ka hadleysa 10 lammaane oo caan ka ah Bollywood ama Taleefashinnada kuwaasoo far-gal isku xiray kana ballan qaaday adduunka inay isguursan doonaan, laakiin markii dambe xiriirkoodu burburay. Waana qeybta labaad.

  1. ABHISHEK BACHCHAN IYO KARISMA KAPOOR

Ka dib markii uu shan sanno xiriir jaceyl ka dhexeeyey labadooda, 11kii bishii October sannadkii 2002kii, xilli la joogay xafladdii dhalashada ee Amitabh Bachchan – labadooda Abhishek Bachchan iyo Karisma Kapoor  ayaa ku dhawaaqay inay isguursan doonaan iyagoo faraanti ama fal-gal isku xiray.

Laakiin xiriirkoodu ma uusan dheeraan. Dhowr bilood ka dib bishii February sannadkii 2003dii, lammaanahaas ayaa ku dhawaaqay inay nolosha ku kala qeybsameen.

Ma jirin sabab rasmi ah oo lasoo jeediyey inay ka dambeyso burburka ku yimid xiriirkooda jaceyl, laakiin waxaa jiray warar xan ah oo sheegayey inay labadoodu u kala hareen khilaaf dhanka qoyska ah.

Goordambe Abhishek ayaa guursaday Aishwarya Rai, halka Karishma ay guursatay Sanjay Kapoor.

  1. RATAN RAJPUT IYO ABHINAV SHARMA

Ratan Rajput iyo Abhinav Sharma waxaa laba shaqsi oo isku bartay barnaamij Reality Show ah kaasoo lagu magacaabo Swayamvar.

Ratan Rajput ayaana laheyd go’aanka ah inay guursato Abhinav Sharma oo barnaamijkaas ku guuleystay. Labadoodu waxay isku xireen far-gal ballan jaceyl ah, laakiin sababo la xiriira kala duwanaanshiyo dhanka shaqsiyadda ah ayey u kala qeybsameen. Sidaas darteed ayey u burburiyeen xiriirkooda.

  1. BARKHA BISHT IYO KARAN SINGH GROVER

Barkha Bisht iyo Karan Singh Grover waxay iskala shaqeeyeen showgii Kitni Mast Hai Zindagi ee MTV sannadkii 2004tii, labadooda ayaa shukaansi bilaabay ka dibna is-alkuntay.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2006dii ayey ku dhawaaqeen inay kala hareen. Barkha Bisht ayaa si farxad leh ka dibna ku guursatay Indraneil Sengupta.

Ka dibna Karan wuxuu guursaday atariishada caanka ah ee Bollywood Bipasha Basu.

  1. VIVEK OBEROI IYO GURPREET GILL

Vivek Oberoi wuxuu xiriir jaceyl kala dhexeeyey Gurpreet Gill sannadkii 2000, ka hor inta uusan kusoo biirin Bollywood.

Warbaahinta India ayaana faafisay inay labadoodu is-alkunteen. Laakiin xiriirkoodu ma uusan gaarin heer ay is-guursadaan.

Sababtu ma ahan mid cad, ka dib Vivek ayaa wuxuu xiriir jaceyl la yeeshay Aishwarya, laakiin iyana ma calfan. Wuxuuna hadda qabaa Priyanka Alva, taasoo gabar u dhashay sannadkii 2015kii.

  1. SIKANDER KHER IYO PRIYA SINGH

Wiilka ay dhaleen jillayaasha halyeeyada ah ee Bollywood Bollywood Kirron iyo Anupam Kher ee Sikander Kher ayaa wuxuu alkuntay Priya Singh 29kii bishii Jannaayo sannadkii 2016kii.

Sikander iyo Priya alkunkoodu wax la filaayey ayuu ahaa sannadkii 2016kii maadaama xiriirkoodu uu mid cad ahaa. Laakiin guurkoodu marnaba ma uusan dhicin.

Markii dambe sababta ayaa baaritaan lagu sameeyey, waxaana la ogaaday in hab nolaleedkoodu uu aad u kala duwan yahay, waana wax ay ka warqabeen markii ay shukaansiga isku bilaabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here