Waxaa jira xiddigo ka tirsan Bollywood Film Industry kuwaasoo jaceyl isku qaaday iyagoo aflaan isla sameynaya ka dibna go’aansaday inay nolosha dhabta ah qeybsadaan.

Qaarkood ayaa si dhab ah uga rumeeyey riyadooda, balse waxaa jira qaar xiriirkoodu uu fashilmay daqiiqadii ugu dambeysay. Halkaan waxaan kusoo qaadan doonaa warbixin ka hadleysa 10 lammaane oo caan ka ah Bollywood ama Taleefashinnada kuwaasoo far-gal isku xiray kana ballan qaaday adduunka inay isguursan doonaan, laakiin markii dambe xiriirkoodu burburay. Waana qeybta koowaad.

  1. SALMAN KHAN IYO SANGEETA BIJLANI

Bollywood Superstar Salman Khan iyo Sangeeta Bijlani oo markii hore aheyd gabar model ah balse markii dambe atariisho noqotay ayaa dabayaaqadii 1990meeyadii go’aansaday inay far-galka ballanta guurka isku geliyaan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Sallu Bhai guurkiisa la sugaayo ayey labadoodu kala hareen, waxayna doorteen inuu qof walba jidkiisa u goonida ah raaco.

Xitaa kaararkii arooskaan dadka lagula casuumi lahaa ayaa la daabacay, laakiin layaab waxaa aheyd inay Sangeeta daqiiqadii ugu dambeysay burburisay xiriirkii kala dhexeeyey Salman, sida ay warbaahinta India shaacisay.

  1. SHILPA SHINDE IYO ROMIT RAJ

Shilpa Shinde iyo Romit Raj ayaa jaceyl isku qaaday sannadkii 2009kii, xitaa labadoodu faraanti ayey isku geliyeen. Qarka ayey u fuuleen inay isguursadaan 29kii bishii November sannadkii 2009kii, iyadoo xaflad heer sarre ah lagu dhigay Goa.

Laakiin daqiiqadii ugu dambeysay ayaa la baajiyey xafladdaas guurkooda loogu talogalay, iyadoo qof walba uu la yaabay. Sida laga soo xigtay Shilpa Shinde, iyadu diyaar ayey u aheyd guurkaas, laakiin Romit ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn.

  1. GAUHAR KHAN IYO SAJID KHAN

Director Sajid Khan oo caan ka ah Bollywood-ka ayaa faraanti u geliyey atariisho Gauhar Khan, waxaana uu qorshuhu ahaa inuu guursado sannadkii 2003dii.

Laakiin sababo aan la shaacin dartood ayaa guurkooda loo baajiyey. Sajid Kha ayaa goordambe bilaabay inuu shukaansado Jacqueline Fernandez, halka Gauhar ka dib xiriir jaceyl la wadaagtay Hanif Halal iyo Kushal Tandon.

  1. UPEN PATEL IYO KARISHMA TANNA

Upen Patel iyo Karishma Tanna waxay ahaayeen lammaane la isugu talogalay sannadkii 2014kii xiriir jaceyl oo aan caadi aheyn ayaa ka dhexeeyey, xitaa Bigg Boss 8 ayey si wadajir ah uga soo wadamuuqdeen.

Labadooda ayaa hadana si wadajir ah uga qeybgalay showga Nach Baliye, halkaasoo Upen uu faraanti ugu geliyey Karishma, iyaduna ay ku aqbashay qorshihiisa guurka.

Laakiin Upen Patel iyo Karishma Tanna ayaa xiriirkoodii labada sanno jiray ku dhawaaqay inuu soo dhammaaday, iyadoo mid walba uu si gaar ah ugu shaaciyey akoonkiisa baraha bulshada.

  1. RAKHI SAWANT IYO ELESH PARUJANWALA

Sannadkii 2009kii, atariisho Rakhi Sawant ayaa showga caanka ah Rakhi Ka Swayamvar waxay u bedeshay show caalami ah. Iyada iyo 30 sanno jirka ganacsadaha ah ee kasoo jeeda Canada Elesh Parujanwala oo markii dambe showga ku guuleystay ayaa ka mid ahaa 16 shaqsi oo habeenkaas ku tartamay.

Rakhi ayaa daawadeyaasha showgaan iyo dunida oo dhan hortooda ku aqbashay inuu far-gal u geliyo Elesh. Laakiin markii dambe labadoodu waa ay kala hareen, atariishadaan ayaana diiday inuu guursado Elesh.

Rakhi ayaa markii dambe sharraxday sababta ay u diiday guurka Elesh, waxayna caddeysay in aysan labadoodu isku aragti aheyn. Sannadkii 2016kii, Rakhi waxay caddeysay in habeenkaas ay showga uga qeybgashay si ay uga hesho lacag ay guri ku iibsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here