Superstar Ajay Devgn wuxuu ku jiraa fanka Hindiya ku dhawaad 30-sano Haddaba waxaan idiin heynaa 10-shaqo oo Ajay Devgn magac ku yeeshay laguna amaanay sidoo kalena daqli wanaagsan ka sameeyay oo aan ahayn dhanka filim jilista ama shaashada inuu soo hor istaago:

1. Heesaa: markii ugu horeesay wuxuu ka heesay filimkii Diljale (1996) wuxuuna wax ka qaaday heeskii ‘Shaam Hai Dhuan Dhuan’. Kadib filimkii Mehbooba (2008) ayuu hees kale wax kaga luqeeyay waana Babuji Bahut Dukhta Hai. Sidoo kale filimkiisii Bol Bachchan (2012) ayuu magaca heeska filimkan wax ka qaaday kadibna filimada Son of Sardar iyo Toonpur Ka Superhero ayuu cod ku yeeshay.

2. Soo Saare (Producer): wuxuu qayb ahaan wax ka maal galiyay filimkii Pyaar To Hona Hi Tha (1998) laakiin isaga iyo qoyskiisa waxay shirkadooda marka kowaad maal galiyeen filimada Hindustan Ki Kasam iyo Dil Kya Kare. Ugu dambeyntii isaga ayaa noqday soo saare madax banaan wuxuuna maal galiyay Raju Chacha (2008) haddana waxaa u xigay U Me Aur Hum wixii markaas ka dambeeyay aflaan hirgaleen ayuu sameeyay waxaana ka mid ah All The Best (2009), after which he also co-produced (as most big stars do today) his films Bol Bachchan, Son Of Sardaar, Singham Returns, Shivaay, Total Dhamaal iyo kuwo kale.

3. Soo Saare Dhanka TV-yada: Musal salo xitaa Ajay wuu maal galiyay wuxuuna shaqada TV-yada ma bilaabay musal salkii Devi ee atirishada Madhoo hogaamiye ka ahayd kaasi oo socday intii u dhaxeesay 2002 ilaa 2004.

4. Kaamiro Hage: Devgn wuxuu sidoo kale leeyahay xirfad ah inuu kaamirada hago marka duubista aflaanta socoto weliba filimkii Zameen qaabka Action-ka loo sameeyay dhanka kaamirada isagaa hagay halka Shivaay sidoo kalena uu dhan walbo ka diyaariyay adeegsiga kaamirada.

5. Daah Furaha Sheekada Filimka: Devgn wuxuu sameeyay asigoon filimka kasoo muuqaneyn inuu codkiisa ku daah furo qaabka sheekada u soconeyso ama sharaxaad ka bixiyo doorarka jilaayaasha filimka kowaad uu sidaas sameeyay waa Awakening (2006) kadibna filimada Yamla Pagla Deewana iyo Poster Boyz ayuu codkiisa ku sharxday doorarka jilaayaasha iyo qaabka sheekada u socoto.

6. Faaf reebe: wuxuu kaloo leeyahay xeelad ah inuu faaf reebo ama Edit gareeyo aflaanta asigoo inta badan filimada uu iska leeyahay faaf reebo wuxuuna shaqadan ka bilaabay filimkii Awakening (2006).

7.Director: filimada inuu agaasimo waa xirfad kale uu asaagiisa dheer yahay wuxuuna filim sameeyenimo ka bilaabay filimkii U Me Aur Hum (2008) iyo Shivaay (2016) balse nasiib daro ilaa iminka mashruuc uu Director ka yahay ma guuleesanin.

8. Sheeko qore: Ajay sidoo kale sheekooyinka ayuu qoraa wuxuuna qoray sheekada filimkiisii uu Director-ka ka ahaa U Me Aur Hum (2008).

9. Soo saare aflaanta Marathi: Superstar-kan sidoo kale aflaanta reer Marathi iska leeyahay ee gobolka Maharashtra dagaan ayuu bilaabay inuu maal galiyo marka qarashkiisa Bollywood-ka kaliya ma galiyo ee filimada reer gobolka xitaa wuu maal galiya wuxuuna ilaa iminka maal galiyay filimada Marathi ee guulaha waa weyn gaareen sida Vitti Dandu (2014) iyo Aapla Manus (2018) oo Nana Patekar sameeyay.

10. Muuqaalada Filimada Ayuu Tayeeyaa: Ajay wuxuu sameestay shirkad ka shaqeyso tayeynta muuqaalada aflaanta oo lagu magacaabo  NY Vfxwaala wuxuuna ugu magac daray gabadhiisa Nysa shirkadan waa mid caan ah oo tayeyso muuqaalada aflaanta ayadoo muuqaalo dheeri ah ku darto waxayna habeesay muuqaalada filimada caanka ah ay ka mid yihiin Prem Ratan Dhan Payo, Bajirao Mastani, Mersal (Tamil), DilwaleSimmba, Total Dhamaal & Shivaay wuxuuna shirkadan aas aasay sanadii 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here