Aashique 2 Actor Aditya Roy Kapur wuxuu ka mid yahay atoorayaasha dhalinta yar ee xiligaan Bollywood-ka heestaan kuna wanaagsan sameynta aflaanta jaceylka iyo shactirada isku jiraan ah sidoo kalena karti badan.

Fadlan hoos kaga bogo qaybta labaad xaqiiqooyinka u gaarka ah Aditya Roy Kapur madaama marwalbo lagu xasuusan doono filimka Aashique 2 oo Blockbuster ah magac weyna ku yeeshay:

Xaqiiqada 6-aad: Aditya filimkiisii ugu horeeyay waa London Dreams kaasi oo sanadii 2009 la daawaday wuxuuna ku matalay door caawiye ah madaama Salman Khan iyo Ajay Devgn hogaamiye ka ahaayeen.

Xaqiiqada 7-aad: Aditya walaalkiis kale ka weyn waxaa la dhahaa Kunal Roy Kapur kaasi oo wax ka jilay filimada ‘Delhi Belly’ (2011) iyo ‘Nautanki Saala’ (2013).

Xaqiiqada 8-aad: Aditya Roy Kapur magaca dhexe ee qoyskiisa “Roy” waa magac laga soo qaatay baqaar ku yaalo magaalada Lahore ee dalka Pakistan laguna magacaabo (“Roy Bros”) oo awoowayaashiisa loogu yeeri jiray.

Xaqiiqada 9-aad: Aditya wuxuu xiriir jaceyl la wadaagay atirishada Shrddha Kapoor oo ay isla jileen filimada Aashique 2 iyo Ok Jaanu balse xiriirkooda ma noqonin mid waaro ama hirgalo.

Xaqiiqada 10-aad: Aditya markii uu yaraa wuxuu wax ku bartay G. D. Somani Memorial School oo Mumbai ku yaalo waa isla iskuulka hooyadiis dhalinta ku bari jirtay sida ruwaayadaha loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here