Tamannaah Bhatia waa atirisho koonfur India ka xamaalata sido kalena Bollywoodka usoo dalacday waxaana ka xasuusana aflaamta ay Bollywoodka kasameysay sida filmka Entertainment oo ay Akshay Kumar la hogaamisay.

Marka laga soo tago qaab jiliinkeda waxay meel kusoo martay quruxdeeda taaso kaliftay malaayid dad ah oo daafaha caalamka kunool inee quluubtoda hanato.

Hadaba maadama ay maanta tahay dabaal daga dhalashadeda xidigtaan waxaan idiin kaga heynaa 10 xaqiiqo oo u gaar ah kuwaaso dad badankooda aysan garaneynin.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Gabadhan Quruxda Badan:

Xaqiiqada 1aad: Tamannaah waxaa door muhiim ah laga siiyay Filmka Bollywoodka ah ee Himmatwala kaaso ay door weyn ku laheed waxaana filmkaan la hogaaminaayey Ajey Devgan.

Xaqiiqada 2aad: Atirishadan ayaa filmkeedi ugu horeyay ee ay kasoo muuqata aha film Bollywood ah kaaso lagu magacaabo Chand Sa Roshan Chehra waxaana la daawaday sanadki 2005 wixii markaas ka dambeyay ayee Tamil iyo Telugu u shaqa doonatay.

Xaqiiqada 3aad: Waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay Mumbai qoyskeda waxay ka koobanyihiin iyada, hooyaded oo lagu magacaabo Rajani Bhatia taaso ah xaas guri joogto ah iyo aabahed Santosh Bhatia kaaso ah nin dheymanka ka baayacmushtara iyo hal wiil oo ladhashtay kaaso lagu magacaabo Anand.

Xaqiiqada 4aad: Xiliyada ay fasax leedahay ama firaaqada tahay waxay xidigtaan jeceshahay akhrinta buugaagta dhageysiga Music da iyo isticmaalka internetka.

Xaqiiqada 5aad: Atirishadan waxay ku hadli kartaa luuqadaha kala ah English, Hindi, Marathi, Telugu, Tamil, Malayalam Iyo Sindhi asal ahaana waxay kasoo jeeda qoyska reer Sindhi.

Xaqiiqada 6aad: Cunooyinka ay xidigtaan ka hesho waa dhamaan cunooyinka la shiilay ama la dubay oo saliid lagu dubay nooc kasta ha ahaato cunadaas, dhanka kale waxay aad u jeceshahay labiska cad ama dhar cad inee ku labisato ayee jeceshahay.

Xaqiiqada 7aad: Xidigaha caanka ah ee ay taagerto waxaa kamid ah Mahesh Babu, Hritik Roshan, Preity Zinta iyo Madhuri Dixit halka aflaamta ay xiiseyso ay kamid yihiin, Mughal-E-Azam, DDLJ, Dil To Pagal Hai, Anand (telugu), Titanic iyo Life is Beautiful.

Xaqiiqada 8aad: Tamannaah waxay ku guulesatay abaal marinta koonfur India ee South Scope Award bandhigeed filmka  Kanden Kadhala sanadkii 2010 sido kale 7 jeer ayee u tartantay abaal marinta Filmfare Award shirkadaha Tamil iyo Telugu.

Xaqiiqada 9aad: Atirishadan ayaa asaxaabteda ugu yeeraan magaca Tammu naanees ahaan waana magaca ay ka hesho in loogu yeero.

Xaqiiqada 10aad: Diinta ay Tamannaah heesato waa diinta Hinduga waxbarashada ilaa Class-ka 12aad ayee ka gaartay umana suurta galin inee heer jaamacad u talaabsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here