Weli shabakadaha arimaha Bollywood-ka ka faaloodaan waxay wax ka qorayaan dhaxalkii uu fanka Hindiya kaga tagay Superstar Rishi Kapoor oo geeriyooday asigoo 67-jir ah kadib markii mudo labo sano ah xanuunka kansarka haayay. Haddaba waxaan idiin heynaa 10-xaqiiqo oo Rishi u gaar ah kuwaas oo xiiso gaar ah leh.

Xaqiiqada 1-aad: Filimkii ugu horeeyay Rishi Kapoor kasoo muuqday wuxuu ahaa Shri 420 oo la daawaday 1955 waxaana hogaamiye ka ahaa aabihiis Raj Kapoor, wuxuuna kasoo muuqday filimkan heeska ‘Pyaar Hua, Iqraar Hua’ weliba markaas Rishi 3-jir ayuu ahaa!

Xaqiiqada 2-aad: Sanadii 1970 wuxuu kasoo muuqday door saameyn leh ku yeeshay filimkii Mera Naam Joker ee aabihiis hogaamiye ka ahaa wuxuuna ku matalay Raj Kapoor oo yar markaasna 17-sano ayuu jiray.

Xaqiiqada 3-aad: Rishi Kapoor wuxuu ku qaatay abaal marinta National Film Awards bandhigii uu ka sameeyay filimkii Mere Naam Joker waxaana la siiyay bilada loo yaqaan National Award for Best Child Artist.

Xaqiiqada 4-aad: Rishi Kapoor wuxuu jiray 21-sano markii uu filimkii Bobby hogaamiye kowaad ka noqday wuxuuna ku qaatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan asigoo heesto iskoorka ah atooraha ugu dhalinta yar ee biladan ku guuleesto.

Xaqiiqada 5-aad: Rishi Kapoor sanadii 1999 wuxuu noqday Director asigoo agaasimay filimkii Aa Ab Laut Chalen oo ay wada jileen Rajesh Khanna, Akshaye Khanna iyo Aishwarya Rai Bachchan balse nasiib daro filimkan wuu ka guul dareestay wuxuuna wacad ku maray mardambe inuusan filim agaasimi doonin.

Xaqiiqada 6-aad: Rishi wuxuu rabay heeskii Classic ahaa Aisi Deewangi ee filimka Deewana ku jirtay in isaga laga duubo muuqaal ahaan balse Director Raj Kanwar ayaa ka madax adeegay in Shah Rukh Khan heeskaas la siiyo wuxuuna ka xumaaday Rishi.

Xaqiiqada 7-aad: Rishi Kapoor muran xoogan ayuu dhexda ka galay markii uu hadda ka hor sheegay inuu hilibka lo’da cunno waligiisna iska dhaafi doonin inkastoo diin ahaan Hindu yahay, waxaana ku kacay dad badan oo Hinduu ah oo hadalkiisa meel ka dhac u arkeen iyo inay tahay xad gudub weyn inuu hilibka lo’da cuno asigoo Hinduu ah.

Xaqiiqada 8-aad: Rishi Kapoor wuxuu sheegay inuu ahaa dooqa kowaad ee filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Darr oo Director Yash Chopra u bandhigay doorka xumaanta inuu matalo balse uu iska diiday wuxuuna kula taliyay Yash Chopra inuu doorkaas SRK u dhiibo madaama uu yahay atoore fir fircoon oo ay isla sameeyeen filimkii Deewana.

Xaqiiqada 9-aad: Rishi Kapoor si muran ku dheehan wuxuu sanadii 2017 buugiisii Khullam Khulla: Rishi Kapoor Uncensored ku sheegay inuu iibsaday abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan ee lagu siiyay filimkii Bobby wuxuuna sheegay inuu shirkada Filmfare markaas ku wareejiyay 30,000 oo Indian Rupees ah una dhigmato maantadan la joogo 720,000 oo Ruppees doolar ahaana noqoneyso $10,000 wuxuuna ka dul qaaday biladaan xiligaas Amitabh Bachchan oo doorkiisii filimka Zanjeer siweyn loo hadal haayay xiligaas.

Xaqiiqada 10-aad: Rishi Kapoor iyo xaaskiisa Neetu Singh waxay isla sameeyeen in ka badan 15-filim weliba inta aysan is guursanin ka hor waa sanadii 1980 iyo wixii ka horeeyay ayay isla sameeyeen 13-filim inta badana aflaanta ay kasoo wada muuqdeen waa kuwo Classic oo siweyn loo jecel yahay waxaana ka mid ah Khel Khel Mein (1975), Kabhi Kabhi (1976), Amar Akbar Anthony (1977), Doosra Aadmi (1977), Do Dooni Char (2011), Besharam (2013) iyo kuwo kale.

Dhamaad, waad ku mahad santahay aqrintaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here