Home » Nolosha Jilaayaasha » 10 Xidig Bollywoodka Katirsan Oo Aqal Galeen Kahor Inta Aysan Caan Ama Xidig Noqonin Qeybtii 2-aad (+Sawiro)

10 Xidig Bollywoodka Katirsan Oo Aqal Galeen Kahor Inta Aysan Caan Ama Xidig Noqonin Qeybtii 2-aad (+Sawiro)

Hadii aan heeno xidigo badan oo maanta caan ah kuwaaso da’dooda weynaatay ilaa hadana aanan guursan sida Tabu, Priyanka Chopra, Salman Khan, Deepika Padukone, Rekha iyo kuwa kale oo badan waxaa kaloo jiraan xidigo yaraantoda guursadeen.

Bollywoodka waxaa ku dhexjiraan atoorayaal iyo atirishooyin guursadeen oo reer yeeshteen kahor inta aysan Bollywoodka soo galin ama caan noqonin waxayna hormarsadeen inee guri dhistaan oo ay reer yeeshtaan markaas kadib aye caan noqdeen oo ay xidigo Bollywoodka katirsan noqdeen.

Liisakaan waxaa kujiraan atoorayaal badan oo maanta caan ah qaarkoodna Super Stars waa weyn ah, fadlan halkaan hoose kaga bogo 10 xidig oo Bollywoodka katirsan kuwaaso inta aysan caan noqonin guursadeen qeybtii labaad..

Chitrangada Singh:

Chitrangadha Singh Jyoti Randhawa

Waa atirisho Bollywoodka bilawgii qarnigaan soo gashay balse hada calankeeda uusan taagneen waxay atirishadan guursatay ninka lagu magacaabo Jyoti Singh sanadkii 2001 halka sanadkii 2003 ay Bollywoodka timid caana ku noqotay filmkii Hazaaroon Khwaishein.

Anil Kapoor:

Anil Kapoor Sunita Kapoor

Madaalaha Bollywoodka filmkiisa kowaad ee uu caanka ku noqday waxuu ahaa Tapori oo la daawaday sanadkii 1984 sla sanadkaan waxuu guursaday xaaskisa Sunita Kapoor waliba arooskisa ayaa horeyay maantana waa Super Star weyn…

Dimple Kapadia:

Dimple Kapadia Rajesh Khanna

Quruxleyda Bollywoodka Dimple Kapadia iyadoo yar ayaa la guursaday iyadoo yar ayeena Bollywoodka timid waxaa guursaday Super Star Rajesh Khanna sanadkii 1973 isal sanadkaan 6 bil kadib waxaa usoo baxay fllmkeda kowaad ee Bobby kaaso ay Rishi Kapoor iskula soo caan baxeen..

Raj Kapoor:

Raj Kapoor Krishna Kapoor

Show Man of Bollywood ninka loo aqoon jiray Raj Kapoor waa mid kamid ah Super Star-da ugu waa weyn taariikh ahaan Bollywoodka kaaso 40-kii iyo 50-kii awood ku heestay fanka.

Raj waxuu kusoo caan baxay filmkii Neel Kamal sanadkii 1947 halka sanadkii 1940 arooskiisa la qaban qaabinaayey waxuuna guursaday Krishna Kapoor..

Shashi Kapoor:

Shashi Kapoor Jennifer Kendal

Hero of Romance Shashi Kapoor waxuu guursaday gabadha reer England ah oo lagu magacaabo Jennifer Kendal sanadkii 1958 halka sanadkii 1961 soo baxay filmkiisa kowaad ee uu kusoo caan baxay kaaso lagu magacaabo Dharamputra.

Dhamaad…..