Home » Nolosha Jilaayaasha » 10 Xidig Bollywoodka Katirsan Oo Aqal Galeen Kahor Inta Aysan Caan Ama Xidig Noqonin (+Sawiro)

10 Xidig Bollywoodka Katirsan Oo Aqal Galeen Kahor Inta Aysan Caan Ama Xidig Noqonin (+Sawiro)

Hadii aan heeno xidigo badan oo maanta caan ah kuwaaso da’dooda weynaatay ilaa hadana aanan guursan sida Tabu, Priyanka Chopra, Salman Khan, Deepika Padukone, Rekha iyo kuwa kale oo badan waxaa kaloo jiraan xidigo yaraantoda guursadeen.

Bollywoodka waxaa ku dhexjiraan atoorayaal iyo atirishooyin guursadeen oo reer yeeshteen kahor inta aysan Bollywoodka soo galin ama caan noqonin waxayna hormarsadeen inee guri dhistaan oo ay reer yeeshtaan markaas kadib aye caan noqdeen oo ay xidigo Bollywoodka katirsan noqdeen.

Liisakaan waxaa kujiraan atoorayaal badan oo maanta caan ah qaarkoodna Super Stars waa weyn ah, fadlan halkaan hoose kaga bogo 10 xidig oo Bollywoodka katirsan kuwaaso inta aysan caan noqonin guursadeen..

Shah Rukh Khan:

Shah Rukh Khan Gauri Khan

Shah Rukh Khan Gauri

King Khan waxaa qalbigiisa dhex dagtay quruxleyda Gauri Khan taaso uu guursaday kahor inta uusan soo bixin filmkiisa kowaad ee Deewana waana mashruuca uu kusoo caan baxay xidigaan.

SRK sanadkii 1991 ayuu guursaday Gauri Chibbar oo hada ah Gaur Khan hala filmkiisa Deewana la daawaday sanadkii 1992 waxayna u heysaa xidigaan sedex caruur ah…

Saif Ali Khan:

Saif Ali Khan Amrita SIngh wedding

Saif Ali Khan Amrita Singh

Saif kaliya Bollywoodka inta uusan soo galin ma guursane sido kale haweyney in badan ka weyna wuu guursaday, Saif bilawgii 90-kii waxuu jeclaaday atirishada quruxda badan Amrita Singh.

Waxay is guursadeen oo ay aqal galeen sanadkii 1991 halka Saif filmkiisa kowaad ee uu kusoo caan baxay la daawaday sanadkii 1993 waana Aashiq Awara waxayna Amrita u heysaa Saif labo caruur ah inkastoo ay kala tageen oo uu hada Bebo qabo..

Aamir Khan:

Aamir Khan Reena Dutta

Aamir Khan Reena Dutta

Mr.Prefectionist Aamir Khan waxuu kusoo caan baxay xidigna ku noqday filmkii Classic-da ahaa Qayamat Se Qayamat Take e la daawaday sanadkii 1988 balse xidigaan xiligaas xaasle ayuu ahaa.

Waxuu sanadkii 1986 guursaday Reena Dutta waxayna u dhashay labo caruur ah inkastoo ay kala tageen markii dambe hadana waxuu la noolyahay xidigaan xaaskisa labaad Kiran..

Ayushmann Khurrana:

Ayushmann Khurana Tahira Kashyap

Ayushmann waa mid kamid ah xidgaha Bollywoodka kuwaaso qaab jiliin wanaagsan iyo dadaal heer sare ah la imaadan, atoorahan waxuu Bollywoodka kusoo galay oo uu kusoo caan baxay filmkii Vicky Donor ee la daawaday sanadkii 2012.

Balse sanadkii 2011 ayuu aqal galay xidigaan oo uu guursaday gabadhii ilaa yaraantisa ay is jeclaayen Tahira Kashyap waxayna u heysaa labo caruur ah.

Arjun Rampal:

Arjun Rampal Mehr Jessia

Jilaaga Arjun waxuu kusoo caan baxay doorkisa Gaurav ee filmkii jaceylka ahaa Pyaar Ishq Aur Mohabbat kaaso la daawaday sanadkii 2001 waana mashruuc ka guul dareestay balse uu magac ku helay caana ku noqday sida uu u jilay aawged.

Rampal sanadkii 1998 ayuu guursaday gabadhii ay mudada is jeclaayeen Mehr Jessia waxayna u dhashay labo gabdhood..

Lasoco Qeybta Xigta Maqaalka…..