(100 crore maalinta koowaad waa hubaal) SRK, Salman Khan, Hrithik Roshan, Katrina Kaif iyo Deepika oo lagu kulmin doono filimkii ugu weynaa taariikhda Bollywoodka

0
1318

Shirkada Yesh Raj Films ayaa wado qorshe ay hal filim isugu keeneyso jilayaasha kala ah Shahrukh Khan, Salman Khan, Hrithik Roshan, Katrina Kaif iyo Deepika Padukone, waana mashruuc lagu tilmaamay kii ugu weynaa abid Bollywoodka sameeyaan.

YRF ayaa qorshaheeda wuxuu yahay marka hore filimka Pathan ee uu hogaaminayo SRK uu door marti ah ku yeesho Salman Khan oo matalaya doorkiisa filimka Tiger oo isla shirkada leedahay, kadibna SRK doorkiisa Pathan kaga soo muuqdo filimka Tiger3.

Hadii qorshahaas guuleysto shirkada waxay diyaarin doontaa mashruuc weyn oo lagu mideyn doono Salman Khan oo wata doorkiisa Tiger, Shahrukh Khan oo asna wata doorkiisa Pathan, Hrithik Roshan oo wato doorkiisa filimka WAR, Katrina Kaif oo ayadana mataleyso doorkeeda Tiger iyo Deepika Padukone oo mataleyso doorkeeda Pathan.

Hadii qorshahaan hagaag waxaa lagu wadaa in filimkaan la daawado 2023da, waxayna falanqeeyayaasha haatanba sii saadaalinayaan in 100 crore maalinta koowaad aysan waxba noqon doono filimkaana rikooro taariikhi ah dhigi doono.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa adiga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here