Home » Avengers - Infinity War » 102 Not Out Jimcadiisa sedexaad iyo Avengers – Infinity War Jimcadiisa afaraad ganacsiga ay sameeyeen

102 Not Out Jimcadiisa sedexaad iyo Avengers – Infinity War Jimcadiisa afaraad ganacsiga ay sameeyeen

Amitabh Bachchan iyo Rishi Kapoor filimkooda 102 Not Out  ayaa keenay 70 Lakh Jimcadiisa sedexaad wuxuuna sameeyay hoos u dhac weyn waxaana ugu wacan loolanka cusub Deadpool 2 kaga imaanayo iyo ganacsiga adag ee uu Raazi sameenayo.

Sida muuqato filimka 102 Not Out cimri ahaantiisa ganacsi ahaan wuxuu gaari doonaa 50 Crore asigoo dhaafi doono Rani Mukerji filimkeeda Hichki oo soo xareeyay 46 Crore.

102 Not Out waa filim guuleestay sida shabakada BOI xaqiijisay balse waxaan sugeynaa natiijada rasmiga ah ee BOI siin doonto filimkaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka 102 Not Out  ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 27.63 Crore

Todobaadka labaad – 13.75 Crore

Jimco sedexaad – 70 Lakh

Wadarta Guud – 42.08 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa keenay 75 Lakh Jimcadiisa afaraad taasi oo xaqiijisay hubanti ahaan filimkaan ganacsigiisa inuu cimri ahaan ku istaagi doono 225 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Avengers – Infinity War iyo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.75 Crore

Jimco afaraad – 75 Lakh

Wadarta Guud – 219.95 Crore (Trade Figure)