10ka filim ee maalintooda 1aad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo WAR halka uu kaga jiro.

0
1808

Waxaa shalay 2dii Oktobar shaashadaha la saaray filimka weyn ee WAR kaasoo ay iska leeyihiin shirkada Yesh Raj Films waxaana Directed ka ah Siddharth Anand ayagoo ay hogaamiyeyaalna ka yihiin jilayaasha Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Filimka WAR ayaa shalay si waali ah ku furmay wuxuuna gudaha India ka keenay 51.50 crore taasoona ka dhigtay inuu taariikh dhigo sidaasna ku noqdo filimka lacagaha ugu badan abid soo xareeyay maalintiisa koowaad filimada hindida leeyihiin asigoona jabiyay rikoorkii Thugs of Hindostan.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo 10ka filim ee maalintooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo midkasta tiyaatarada la saaray.

1. War – 51.50 crore waxaana la saaray kaliya 3,850 tiyaatar.

2. Thugs of Hindostan – 48.27 crore waxaana la saaray 4,700 tiyaatar.

3. Bharat – 41.62 crore waxaana la saaray 4,650 tiyaatar.

4. Bahubali – The Conclusion 40.73 crore waxaana la saaray3,950 tiyaatar.

5. Prem Ratan Dhan Payo – 39.32 crore waxaana la saaray4,200 tiyaatar.

6. Sultan – 36.59 crore waxaana la saaray 4,350 tiyaatar.

7. Happy New Year – 36.31 crore waxaana la saaray 3,850 tiyaatar.

8. Sanju – 34.19 crore waxaana la saaray 4,200 tiyaatar.

9. Tiger Zinda Hai – 34.12 crore waxaana la saaray 4,600 tiyaatar.

10. Dhoom 3 – 32.48 crore waxaana la saaray 3,650 tiyaatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here