Filimka Dabangg 3 ayaa saakay ku furmay qaab Good Opening guud ahaan tiyaatarada India waxaana filimkaan caqabad ku noqday rabshado ka taagan gudaha Indida iyo bandow magaalooyinka qaar ka jiraan.
Filimada WAR, Bharat iyo Mission Mangal waa sadaxda filim ee sanadkaan ugu bilaabasho wanaagsan hase yeeshee dhamaantooda waxaa la daawaday maalmo fasax ah ayadoo Dabangg 3 markii laga bixiyo filimada maalin fasax la daawaday ay sidoo kale ka horeeyaan Saaho iyo Kabir Singh kuwaasoo bilaa fasax la daawaday.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo 10ka filim ee sanadkaan ugu bilaabasho wanaagsan;
1. War – 70%
2. Bharat – 60%
3. Mission Mangal – 52.5%
4. Saaho – 50%
5. Kabir Singh – 42.5%
6. Dabanng 2 – 35%
7. Housefull 4 – 32.5%
8. Gully Boy – 32.5%
9. Kalank – 30%
10.Total Dhamaal – 30%