Filimka Dabangg3 ayaa kaalinta afaraad ka galay 10ka filim ee sanadkaan lacagaha ugu badan tikidkooda laga helay kadib markii uu filimkaan wajahay caqabo badan kuwaasoo hoos u dhigay tikidkiisa.
D3 ayaa ayaa iibsiga tikidkiisa aad dib loogu dhigay kadib khilaaf soo kala dhex galay Salman Khan iyo kooxda tiyaatarada leh sidoo kalana waxaa filimkaan saameyn ku yeeshay shaqaaqooyinka la xiriira sharciga jinsiyada India oo wax laga badalay xili gobolada ugu waaweyn badankooda bandow iyo mudaharaad ka jiraan.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo 10ka filim sanadkaan lacagaha ugu badan laga helay tikidkooda hormariska;
1. War – 31.36 crore
2. Bharat – 23.47 crore
3. Mission Mangal – 15.19 crore
4. Dabangg 3 – 11.50 crore
5. Kabir Singh – 10.85 crore
6. Kalank – 9.38 crore
7. Housefull 4 – 8.75 crore
8. Saaho (Hindi) – 8.27 crore
9. Kesari – 7.64 crore
10. Gully Boy – 7.20 crore