10ka filim lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyeen Bollywoodka iyo filimka WAR oo hogaaminayo.

0
1657

Filimka WAR ayaa noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan kadib markii dhamaan luuqadaha lagu daawaday uu keenay 433 crore waana kaliya mudo 22 maalmood ganacsigaan.

WAR oo ay hogaamiye ka yihiin Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff sidoo kalana iska leedahay shirkada Yesh Raj Films ayaa haatan ah filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan dal iyo dibadba wuxuuna ka saro maray filimka Kabir Singoo horay usoo xareeyay 370 crore dal iyo dibadba.

WAR ayaa sidoo kale kaalinta 10aad kasoo galay dhamaan filimada ugu lacagta badan Bollywoddka dal iyo dibad sida ay sheegtay shabakada BOI.

Hadaba halkaan kaga bogo 10ka filim sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen ogoowna waa dhamaan luuqadaha dal iyo dibad.

1. War – 433 crore (22 maalmood).

2. Kabir Singh – 370 crore 

2. Uri – The Surgical Strike – 338 crore

4. Bharat – 304 crore

5. Mission Mangal – 277 crore

6. Gully Boy – 230 crore

7. Total Dhamaal – 226 crore

8. Super 30 – 205 crore

9. Kesari – 203 crore

10. Chhichhore – 200 crore (45 Maalmood).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here