10kaan taxane waa taxanayaasha akshanka ugu fiican abid turki sameeyeen qeybtii 2aad.

0
1233

Fanka turkiga 10kii sano ugu dambeeyay wuxuu sameeyay kobac aad u sareeyo iyagoona dhanka taxanayaasha horma la taaban karo ka gaaray waxayna taxanayaashooda haatan kamid yihiin kuwa ugu badan ee daafaha caalamka laga xiiseeyo.

Hadaba taxanayaasha turkida waxay ka koobanyihiin intooda badan Romantic, Action, Drama iyo Comeyd waxaana maanta idiin soo gudbin doonaa 10kii taxane ugu wanaagsanaa dhanka akshanka kaasoo turkida sameeyeen 10kii sano ugu dambeeyay.

Qeybtii 1aad waxaan kaga soo hadalnay taxanayaasha kala ah; Kara Para Aska Eskiya Dunyaya Hukumdar Olmaz iyo Vetinim Sensin.

7-Dirilis Ertugrul.

Image result for dirilis ertugrul

Waa taxane ka hadlaayo xaalada turkiga ku jiray kahor intaan la aasaasin khilaafadii Cuthmaaniyiinta wuxuuna ka hadlaa aabaha dhalay Cusman bin Ardagli taariikhdiisa waana taxane ka kooban 4 season.

6-Soz (Balan).

Image result for soz

Taxanahaan waa taxane cajiib ah wuxuuna ka hadlaa nolosha milatariga iyo dal jaceylka waana taxane akshan badan ka buuxo.

Hadaba hadaad xiiseyso taxanayaasha akshanka marnaba ha u deymo la’aan taxanahaan.

5-Cukur;

Image result for cukur

Waa taxane ka hadlaayo arimaha maafiyada iyo jariimooyinka waana taxane akshan aan inaba caadi aheyn qaabka loo dhigay sheekadiisa asigoona wali taxanahaan socdo.

4-Ezel;

Image result for ezel

Taxanahaan waa taxane aargoosi nin la khiyaanay waliba saaxiibadiisa kuwa ugu dhaw ay khiyaaneen kaasoon mudo dheer xabsi galaayo balse inuu dhintay loo maleynaayo wuxuuna usoo laabanaa qaabkii uu ku aargoosan lahaa.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here