10kaan taxane waa taxanayaasha akshanka ugu fiican abid turki sameeyeen qeybtii 3aad.

0
978

Fanka turkiga 10kii sano ugu dambeeyay wuxuu sameeyay kobac aad u sareeyo iyagoona dhanka taxanayaasha horma la taaban karo ka gaaray waxayna taxanayaashooda haatan kamid yihiin kuwa ugu badan ee daafaha caalamka laga xiiseeyo.

Hadaba taxanayaasha turkida waxay ka koobanyihiin intooda badan Romantic, Action, Drama iyo Comeyd waxaana maanta idiin soo gudbin doonaa 10kii taxane ugu wanaagsanaa dhanka akshanka kaasoo turkida sameeyeen 10kii sano ugu dambeeyay.

Qeybtii 1aad iyo 2aad waxaan kaga soo hadalnay taxanayaasha kala ah; Kara Para Aska Eskiya Dunyaya Hukumdar Olmaz iyo Vetinim Sensin, Dirilis Ertugrul, Soz, Cukur iyo Ezel.

3-Icerde;

Image result for icerde

Inaba caadi ma ahan taxanahaan habka loo dhigay iyo akshanka uu kulansadayba wuxuuna ka hadlayaa nin gaangister ah oo kala geynaayo labo wiil oo walaalo ah hase yeeshee aakhirkii ay gacmahooda ku bixi doono.

Taxanahaan asiga dhan wuxuu ka sameysanyahay 39 xalqo waana arin loogu talo galay asigoona ah taxane dhan walba ka diyaarsan.

2-Karadayi;

Related image

Waa taxane ka hadlaayo nin maskiin kabo tale ah oo shirqool loo dhigaayo waxaana lagu xukumaa dil toogasho balse wiilkiisa ayaa u kacaayo sidii uu aabihiis u badbaadin lahaa.

Taxanahaan oo 100 xalqo kabadan ka kooban ayuu atooraha ku guuleysanaa inuu aabihiis badbaadiyo sidoo kalana cagta mariyo dadkii shirqoolka ka dambeeyay.

Karadayi taxane ahaan waa mid cajiib ah Action Romance iyo Comedy intaba kulansaday waxaana sidoo kale la isugu keenay jilayaal waaweyn oo caan ah waana taxane abaal marino badan lagu uruursaday.

1-Kurtlar Vadisi (Togii dhurwaayada).

Image result for kurtlar vadisi

Inaba caadi ma ahan taxanahaan wuxuuna in lasoo bandhigo bilowday 2003dii asigoona 10 season ka kooban seasonkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2016dii kaasoona ku saabsanaa afgambigii dhicisoobay ee Turkey ka dhacay.

Taxanahaan ayaa n marnaba caadi aheyn qaabka loo jilay iyo sida akshankiisa loo dhigayba waana taxanihii ugu fiicnaa abid turki sameeyaan dhanka akshanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here