Tan iyo 1990kii Bollywoodka waxay sameeyeen kumanaan filimo ah balse filimadaas oo dhan waxaa darajada All Time Blockbuster gaaray kaliya 10 filin kuwaasoo aan halkaan idiin kuugu soo gudbin doono.

Filimadaan waxaa ku jiro filimka koonfurta laga leeyahay ee Bahabuli 2 sababtuna waxay tahay in luuqada hindiga uu darajadaas ka gaaray asigoona waliba noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay wuxuuna dhaafay darajada 500 crore.

Filimadaan waa kuwii ka dambeeyay  1990kii waa jiraan filimo badan oo 1990kii kahor la daawaday kuwaasoo kamid ah filimada tikidyada ugu badan loo goostay waxaana ka xusi karnaa filimka ugu weyn hindida abid sameeyeen ee Sholay kaasoo la aaminsanyahay in 100 Million ka badan tikid u goosatay waana darajo aysan macquul aheyn in lagaaro lana jabiyo waayo iskoorkaas 40 sano kabadan ayuu yaalaa in la jabiyana iska dhaafee xitaa cid u dhawaatay malahan.

Aan usoo laabano 10ka filim ee tikidka ugu badan loo goostay;

10-PK; Waxaa la daawaday 2014tii waxaana tikid u goosatay 35,061,000 oo qof.

9-Bajrangi Bhaijaan; waxaa la daawaday 2015tii waxaana tikid u goosatay 35,417,000 oo qof.

8-Kuch Kuch Hota Hai waxaa la daawaday 1998dii waxaana tikid u goosatay 35,658,000 oo qof.

7-Dangal; waxaa la daawaday 2016dii waxaana tikid u goosatay 36,996,000 oo qof.

6-Border; waxaa la daawaday 1997dii waxaana tikid u goosatay 37,083,000 oo qof.

5-Raja Hindustani; waxaa la daawaday 1996dii waxaana tikid u goosatay 40,975,000 oo qof.

4-Dilwale Dulhania Le Jayenge; waxaa la daawaday 1995tii waxaana tikid u goosatay 47,971,000 oo qof.

3-Gadar – Ek Prem Katha; waxaa la daawaday 2001dii waxaana tikid u goosatay 50,573,000 oo qof.

2-Bahabuli 2; waxaa la daawaday 2017dii waxaana tikid u goosatay 52,522,000 oo qof.

1-Hum Aapke Hain Koun; waxaa la daawaday 1994tii waxaana tikid u goosatay 73,962,000 oo qof.

Aamir Khan meesha wuxuu ku leeyahay 3 filim Shahrukh Khan Sunny Deol iyo Salman Khan min labo filim ayay ku leeyihiin halka filimka soo harayna uu leeyahay Prabhas.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here