Home » XAQIIQOOYINKA FILIMADA » 11 Xaqiiqo Oo U Gaar Ah Filimka Weyn Ee Kuch Kuch Hota Hai Wax Ka Ogow Filimkaan Classic-kada Noqday!!

11 Xaqiiqo Oo U Gaar Ah Filimka Weyn Ee Kuch Kuch Hota Hai Wax Ka Ogow Filimkaan Classic-kada Noqday!!

 1. Salman Khan Ma Aheyn Dooqii Koowaad Ee Doorka Aman Mehra:

Sidaan wada ognahay Aman Mehra waa nin filimka markuu meel fiican maraya soo baxaya asigoo rabo inuu guursado Kajol.

hadaba doorkan waxaa markii hore lalaraby Saif Ali Khan, kadib markuu iska diiday Siaf waxaa qatay Sallu sidaa ayuuna ku matalay xidigaan dooqaas.

aadba u mahadsantahay Saif maadama doorkas Sallu aad oga baxsaday abaal marin iyo amaana kuhelay.

  2. Directorka filimkii Kal Ho Na Ho ayaa kasoo muuqanaya filimkaan qaab marti ahaan:

Nikhil Advance waa Director weyn sameyayna filimkii weyna ee Kal Ho Na Ho, hadaba filimsameyahan wuxuu kasoo muuqana filimkaan waliba qeybta showga Neelam, asigoo matalaya nin ay saaxiibtis ka tagtay balse helay gabar kale oo cusub taaso ayadana mataleysa Farha Khan.

 3. Doorka Tina markii hore Karan Johar wuxuu la rabay Saaxiibtisa qaaliga ah ee Twinkle Khanna:

Karan wuxuu saaxiib dhow la ahaan jiray Twinkle Khanna sidaa awged filimkiisa koowaad wuxuu kasiiyay door weyn waliba doorka magacaas uu ubixiyay waa naanesta dhabta ah ee Twinkle Khanna loogu yeero.

4. Twinkale Khanna Kaliya Ma aheyn atariishada loo bandhigay doorkan ee xidigo kale aya jiran:

kadib markee iska diiday Twinkle Khanna doorkii Tina, Rani hor kama qaadan ee waalooga soo horeyay.

kadib markee atariishoyinka soo diiden unbe Rani nasiib kuheshay doorkan, waxaana kamid ahaayen atariishoyinkaas Raveena Tandon, Aishwarya Rai Bachchan, Karishma Kapoor, Tabu iyo waliba Urmila Matondkar.

5. Kajol Dhaawac ayaa jilibka kasoo gaaraayo muqaalo kamid ah filimka xili ay mooto raaceyso:

nuuqalkas Kajol aadbe unaxeysaa sido kalena si xun ayee dhulka ugu dhaceysaa taaso keentay in waqti filimka dib loo dhigo maadama jilibka dhaawac kasoo gaaray.

6. Rahul Iyo Anjali xili ay boodboodayen markii ay dheelaye Basketball ka aadbe u boodeen:

goosha banooniga Basketballka ay ciyaarayen Kajol Iyo SRK waxaa looga sameyay meel dhow, balse labadooda aadbe u boodayan waliba si sare xitaa meel goosha ka sareysa.

waana xili uu qayaamenayay SRK Kajol.

7. Muuqalka Heeska Kajol Sari ga ka bidaayo ma aheyn muuqaal kamid ah sheekada filimka:

heeska Ladki Badi Anaani hai dhamaadkeda Kajol sariga ayaa dabeesha ka bidineyso ma aheyn mid sheekada filimka kujirtay balse Farha Khan ayaa kudareyso qeybtaas si heeska u macaanado.

dabcan waa muuqaal fiican maadama SRK muujinaayo kistaasyar dareen jaceyl halka Kajol na xishood muuineyso.

8. Kajol naftirkeeda ma aheyn dooqa koowad ee filimkaas:

doorka anjali ee Kajol ay jishay ma aheyn dooqa koowad ee filimkaas kajol ee markii hore uhi Chawla ayaa lala rabay, kadib markee Juhi Diiday ayaa kajol sidaa ku qaadatay.

Juhi fursad bee cuntay.

9. Karan Johar wuxuu rabay inuu Codka Rani bedelo uu cod qofkale kuduubo filimka:

Karan markii hore wuxuu rabay codka rani in uu codkale kubedelo maadama xidigtaan codkeeda uu ula muuqday cod aysan daawadayasha kaheli doonin.

balse markii dambe codkeedi unbaa loodhaafay.

10. Farha Khan iyo Manisha Malhotra muuqalo marti ah ayee ku lahaayen filimka:

farha iyo manisha waxay kamid yihiin dadka Kajol ku qoslayaan marka ay ka maseerti Rani oo ay dharka gaagaabn oo dumarka ah ay soo xirato.

maadama xiligas wixii kahoreyay wiil ookale u labisan jirtay.

11. Rani ma awoodin inee dheesho heeska Koi Mil Gaya:

heeskas Rani waxay qabtaa dhar aad u gaagaaban sidaa awged  ma aysan awoodin inee dheesho sida Kajol ay u dheeleysay.

waana muuqalka ay ugu quruxda badantahay xidigtaan dhamaan filimka oodhan inta muuqal ay kuledahay.

Dhamaad……..