Home » Nolosha Jilaayaasha » 11 Xidig Oo Ka Shaqeeya Bollywood Kuwaasoo Sigaar Iyo Khamri Cabin Nolosha Dhabta Ah Akshay Kumar Iyo Deepika Padukone Ayaa Kujiraan (+Sawiro

11 Xidig Oo Ka Shaqeeya Bollywood Kuwaasoo Sigaar Iyo Khamri Cabin Nolosha Dhabta Ah Akshay Kumar Iyo Deepika Padukone Ayaa Kujiraan (+Sawiro

Taageereyaasha Bollywood Film Industry waxay jecel yihiin inay xaqiiqooyin badan ka ogaadaan nolosha dhabta ah ee xiddigaha ay ka taageeraan shirkadda Bollywood Town.

Warbixintaan waxaan idinkula wadaagi doonaa 11 jillaa oo ka tirsan Bollywood-ka kuwaasoo aan isticmaalin maandooriye, tusaale ahaan aan khamriga cabin, sidoo kalena aan saagaarka dhuuqin.


#1. JOHN ABRAHAM

John marnaba ma isticmaalo maandooriye. 44 sanno jirkaan ayey sidoo kale adag tahay inaad ku aragto xafladaha baashaalka ah ee ay isugu yimaadaan xiddigaha Bollywood, waana shaqsi jecel inuu marwalba jirkiisu dhisnaado.

John wuxuu daaha ka qaaday inuu xilli hore oo fiidkii ah seexdo, kana soo tooso jarmaadii, wuxuuna caddeeyey in diinta keliya ee uu garanayo ay tahay qaabka jir ahaan loo caafimaad qabo.

#2. AKSHAY KUMAR

50 sanno jirkaan Akshay wuxuu ka mid yahay jillaayaasha ugu akhlaaqda badan shirkadda Bollywood. Akshay kama helo dhaqanka ah inuu habeenkii hurdada ka daaho, ma ahan mid khamri caba mana ahan mid sigaar ama waxyaabaha la halmaala dhuuqa. Waana jillaa caan ku ah ka warqabka caafimaadkiisa.

#3. SIDDHARTH MALHOTRA

Siddharth oo ka mid ah jillaayaasha dhallinyarada ah ee Bollywood waxaa lagu yaqaannaa inuu inta badan qolka jirdhiska waqti ku qaato. Maadaama uu caafimaadkiisa si weyn uga taxadaro laba jeer ayuu kasoo muuqday bogga hore ee majaladda Men’s Health India. Siddharth sidoo kale waa shaqsi jecel kubadda cagta.

#4. AMITABH BACHCHAN

Isagoo 75 sanno jir ah, ayuu weli joobane yahay Big B. Taageereyaasha Amitabh Bachchan ayaa dhowr jeer ku daawaday aflaan uu cabtooy ku jillaayo, laakiin marka la yimaado nolosha dhabta ah Amitabh Bachchan xitaa ma taabto dhalada khamriga.

Waxaa intaas u dheer Amitabh Bachchan oo ka caawisay inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba taam ahaado, maadaama uu cunno raashin aan khudrad laheyn. Waxaa sidoo kale u baahan inaad ogaato in uusan Amitabh Bachchan hal subax ka baaqan qolka jirdhiska.

#5. ABHISHEK BACHCHAN

Abhishek wuxuu aabihiis ka bartay akhlaaqda wanaagsan. Sidaas darteed marnaba ma dhaafo jimicsiga, sidoo kalena wuu ka fogaadaa maandooriyaha 41 sanno jirkaani.

#6. SHILPA SHETTY

42 sanno jirtaan Shilpa Shetty oo ka mid ah atariishooyinka ugu caansan Bollywood ayaa marwalba taageereyaasheeda ku dhiirrigelisa inay jimicsi sameeyaan.

Marka laga hadlayo nolosha dhabta ahna waxay ka mid tahay atariishooyinka Bollywood ka shaqeysta kuwooda faro-kutiriska ah ee aan isticmaalin maandooriye.

#7. PARINEETI CHOPRA

29 sanno jirtaan ayaa inat badan qiimeysa inay kiilooyin dheeraad ah ka rido miisaankeeda maadaama bilowgii xirfaddeeda uu miisaanku dhibaato badan ku hayey. Waana sababta ay uga fogaato maandooriyaha sidoo kalena ay u cunto raashin isku dheellitiran.

#8. BIPASHA BASU

38 sanno jirtaan Bipasha Basu ayaa marwalba lagu yaqaannaa inay tahay mid ka mid ah atariishooyinka ugu soo jiidashada badan Bollywood, balse sidoo kale ma isticmaasho khamri, sigaar iyo wax walba oo maanka-dooriya.

#9. SONAM KAPOOR

Si ay usoo gasho Bollywood, maadaama ay tahay atariisho waxay ku qasbanaatay inay miisaan badan iska rido. Wixii intaas ka dambeeyey 32 sanno jirtaan Sonam Kapoor ayaa rukun ka dhigatay raashin isku dheellitiran. Waana shaqsi aan isticmaalin wax walba oo maandooriye ah.

#10. DEEPIKA PADUKONE

Waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu jirka dhisan Bollywood, balse sidoo kale 31 sanno jirtaan Deepika Padukone waa mid ka mid ah atariishooyinka Bollywood ee aan khamri iyo wax la halmaala aan u dhowaan.

#11. SONAKSHI SINHA

Sonakshi gabi ahaanba ma isticmaasho aalkolo. Waxaana xusid mudan in 30 sanno jirtaani ay taageereyaasheeda iyo shacabka reer India fagaaraha uga dhiirrigeliso in aysan isticmaalin maandooriyaha.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *