12 sano kahor maanta oo kale waxaa la daawaday filimkii dadka ka ilmeysiiyay ee Taare Zameen Par xili Aamir Khan uu arin qarsooneyd farta ku fiiqay.

0
996

Filimka Taare Zameen Par ayaa maanta oo kale 2007dii soo baxay wuxuuna noqday filimkaan mid Super Hit ah xili fariintiisa aad loosoo dhaweeyay isla markaasna siweyn loola dhacay.

Filimkaan ayay sheekadiisa salka ku heysaa ilmo yar oo waalidkiisa waxbarasho usoo dirayaan misna wheel heysan macalin ka warqabana uusan jirin wuxuuna ilmahaan yar oo uu jilaayo Darsheel Safary ku dhibanyahay akhrinta qoraalada iyo fahamkoodaba.

Aamir Khan ayaa ardaygaan macalin u noqonaayo isla markaasna ciladiisa fahmaayo wuxuuna dhexda u xiranaa siduu wiilkaan yar wax u fahamsiin lahaa asigoo sidoo kalana hibadiisa gaarka taasoo ah farshaxanka kasoo saarayo ilaa heer uu wiilkaan yar guul gaarsiiyo.

Filimkaan ayaa waxaa sheekadiisa qoray sidoo kalana sameeyay isla Aamir Khan isla asiga ayaana maal galiyay waxaana lagu qarash gareeyay 18 crore asigoona soo xareeyay 61.83 crore wuxuuna sidaas ku noqday Super Hit weyn.

Hadaba akhristow hadaad filimkaan daawatay sheekadiisa imisa ayaad ku qiimeysay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here