Waxaan si taxanahe ah usoo gudbin doonnaa suaalo shabakada Box-office-ka India la weydiiyay sanado kala duwan ilaa bilawgii qarnigaan kuwaaso aad u muhiimsan wax badana kaa anfici doonaan iyo inaa xog kaa maqan ka ogaatid halkaas.

Shalay waxaan idiin la wadaagnay suaalihii 2003 la weydiiyay shabakada maantana waxaan idiin la wadaagena sanadkii 2004 suaalaha la weydiiyay bal hoos ka akhriso jawaabaha ay kabixiyeen.

F.G: suaalaha waa sanadkii 2004 marka BOI la weydiiyay isla sanadkaas ayeena ka jawaabtay ha is hilmaamin akhriste oo hader inee yihiin jawaabaha ha u maleyn.

Su’aasha 1-aad: Sridevi iyo Madhuri yaa xidig ahaan ku weyn fanka Hindiya?

Jawaabta BOI: Wey adag tahay mid gaar ah in farta lagu fiiqo. Sridevi waxay heesataa aflaan badan oo Hit noqdeen oo iyada ku awood badan tahay, halka Madhuri heesato aflaan badan oo Big Blockbusters noqdeen marka awood ahaan lama kala saari karo. Laakiin waxaa la isku raacsan yahay in Sridevi xidignimo ahaan ka weyneed Madhuri.

Su’aasha 2-aad: Maanta (2004) yaa filim dadka ka gadi karo hubanti ahaan fanka Hindiya labo arin noogu sababeeya ee dadka filimada looga gadi karo?

Jawaabta BOI: SRK iyo filimada fariinta soo jiidashada xambaarsan (Sex Movies) oo miisaaniyad 5 Crore ilaa 7 Crore xambaarsab sida Murder, Jism iyo kuwo kale.

Su’aasha 3-aad: Waa kuma filimkii 2001 soo baxay ee ahaa jaceylka sedex geesoodka ah kaasi oo 90% lacagtiisa lumiyay?

Jawaabta BOI: 2001 disasterkii ugu weynaa waa Pyaar Ishq Aur Mohabbat.

Su’aasha 4-aad: SRK miyaa Yash Raj Films magac u yeelay mise iyadaa magac isaga u yeeshay?

Jawaabta BOI: Yash Chopra wuxuu ahaa filim sameeye weyn Big Hits sameeyay laakiin shirkadiisa YRF SRK hortiis labo filim ayaaba guulo dhex dhexaad ah u gaareen waana Kabhi Kabhie iyo Chandni sidaa darteed SRK ayaa shirka YRF wax ka dhigay.

Su’aasha 5-aad: Waa kuma filimka albumkiisa Copy ga ugu badan laga sameeyay sanadii 2003?

Jawaabta BOI: Tere Naam waxaana laga iibsaday 2 milyan iyo bar copy ah cajaladihiisa.

Su’aasha 6-aad: Yaa libinta ku helay filimka Dhoom kadib markii HIT weyn uu noqday?

Jawaabta BOI: John Abraham iyo shirkada Yash Raj Films.

Su’aasha 7-aad: Maxay tahay sababta Abhishek Bachchan filimo badan u sameenayo haddii Flop kiisa joogto yahay?

Jawaabta BOI: Sababtoo ah qiimo jaban ayuu dalbanayaa oo 40 Lakh ilaa 5o Lakh u dhaxeeyo waayo Bobby Deol wuxuu dalbadaa 1 Crore, Akshay iyo Ajay min 2 Crore, halka Sunny Deol iyo Salman min 3 Crore dalbadaan, sidoo kalena SRK 5 Crore ku shaqeeyo.

Su’aasha 8-aad: Hrithik Roshan goormuu la tartami karaa ama halis galin karaa SRK?

Jawaabta BOI: Waa marka uu sameeyo filim Big Hit ah oo aan aabihiis iska laheyn.

Su’aasha 9-aad: Amitabh Bachchan maxaa loogu yeeraa Bollywood Angary Man madaama labadiisa filim Hit ka ugu weyn u noqdeen SHOLAY iyo MUQADDAR KA SIKANDAR doorar xanaaq badan ku mataleyn?

Jawaabta BOI: Magacaas wuxuu i hirgalay madaama labadiisa filim ugu horeeyeen ee hogaamiye kowaad ka ahaa HIT weyn u noqdeen Zanjeer iyo Deewaar ku matalay nin xanaaq badan.

Su’aasha 10-aad: Isku imaatinka Salman, Akshay iyo Priyanka miyaa sabab u ah in filimka Mujhse Shaadi Karoge HIT noqdo, haddii iyaga sabab u ahayn kaalintooda maxaa lagu qiimeyn karaa?

Jawaabta BOI: Maya balse 50% ayay guusha u sabab yihiin halka 50% qaadanayo Director David Dhawan qaabka uu fariinta u dhigay iyo heesaha hirgaleen uu filimkan xambaarsanaa.

Su’aasha 11-aad: Kaalintee ayuu kaga jiray Bobby Deol 10 ka atoore ugu awooda badnaa Bollywood ka sanadii 2004?

Jawaabta BOI: Kaalinta 10-aad.

Su’aasha 12-aad: Kaalintee ayuu Ajay Devgn kaga jiray 10 atoore ugu awood badnaayeen Bollywood ka sanadii 2004?

Jawaabta BOI: Kaalinta 9-aad.

2004 sidaan ayaa loo kala awood badnaa:

1. Shahrukh Khan 2.Hrithik Roshan 3.Sunny Deol 4.Salman Khan 5.Amitabh Bachchan 6.Sanjay Dutt 7.Aamir Khan 8.Akshay Kumar 9.Ajay Devgan 10.Bobby Deol.

Dhamaan waa inoo 2005…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here