Filimada markii tiyaatarka la saaro waxa ugu muhiimsan ee la fiiriyo waa lacagaha uu Box Officeka kasoo xareeyo balse filimka weyninkiisa waxaa lagu qiimeeyaa tirada dadka tikidka u goosteen.

Filim 5 Million tikid u jaratay haduu lacag ahaan ka badnaado mid 10 Million tikid u goosatay lama mid ahan inuu kaweyn yahay filimkaan.

Tusaale filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comeydga waa Housefull 4 balse filim ahaan waxaa kaweyn Golmaal waxaana u sabab ah in Golmaal tirada tikidka u goosatay ay kabadantahay inta tikid u goosatay Housefull 4.

Hadaba waxaan halkaan idiinkuugu soo bandhigi doonaa qeybta 2aad 12da filim dadka ugu badan tikidka u goosteen 25tii sano ugu dambeysay iyo filim walba inta qof ee tikid u jaratay.

8-Kuch Kuch Hota Hai;

Waxaa la daawaday 1998dii waxaana tikid u goosatay 35,658,000 oo qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

7-Dangal;

Waxaa la daawaday 2016dii waxaana tikid u goosatay 36,996,000 qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

6-Border;

Waxaa la daawaday 1997dii waxaana tikid u goosatay 37,083,000 qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

5-Raja Hindustani;

Waxaa la daawaday 1996dii waxaana tikid u goosatay 40,975,000 oo qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here