Filimada markii tiyaatarka la saaro waxa ugu muhiimsan ee la fiiriyo waa lacagaha uu Box Officeka kasoo xareeyo balse filimka weyninkiisa waxaa lagu qiimeeyaa tirada dadka tikidka u goosteen.

Filim 5 Million tikid u jaratay haduu lacag ahaan ka badnaado mid 10 Million tikid u goosatay lama mid ahan inuu kaweyn yahay filimkaan.

Tusaale filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comeydga waa Housefull 4 balse filim ahaan waxaa kaweyn Golmaal waxaana u sabab ah in Golmaal tirada tikidka u goosatay ay kabadantahay inta tikid u goosatay Housefull 4.

Hadaba waxaan halkaan idiinkuugu soo bandhigi doonaa qeybtii 3aad ee 12da filim dadka ugu badan tikidka u goosteen 25tii sano ugu dambeysay iyo filim walba inta qof ee tikid u jaratay.

4-Dilwale Dulhania Le Jayenge;

Waxaa la daawaday 1995tii waxaana tikid u goosatay 47,971,000 oo qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

3-Gadar – Ek Prem Katha;

Waxaa la daawaday 2001dii waxaana tikid u goosatay 50,573,000 oo qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

2-Bahubali – The Cunclusion.

Waxaa la daawaday 2017dii waxaana tikid u goosatay 52,522,000 oo qof asigoona noqday All Time Blockbuster.

1-Hum Aapke Hain Koun.

Waxaa la daawaday 1994tii waxaana tikid u goosatay 73,962,000 oo qof asigoona noqday All time Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here