Waa Wax Aad La Yaabi Markaad Maqasho Dhacdooyinka Naga Qarsoon Ee Ka Dhex jiro Bollywoodka Iyo Guud ahaan Shirkadaha Aflaanta Sameeya Maanta Waxaan Idiin Heeynaa Xili Eey Dhacday In Sridevi Oo Waa 13 Sano Jir ah Hooyo U Noqotay Rajnikanth Oo Aad uga Da’ahaan Uga Weynaa Iyo Sidee Ku Dhacday Arintaan.

Waxeey Eheed Markeey Arintaan Dhacday 22 October Sanadkii 1976 Markeey Sridevi Kasoo Muuqatay Filimkii Moondru Mudichu Taasoo 13 Sano jir ayadoo ah Hooyo Ugu Matashay Superstar Rajinikanth Waxeeyna Eheed Markii Ugu Horeeysay Oo Hogaamiye Da’yar ahi Eey Hooyonimo Ineey Jisho Isku Xilqaantay Waliba Shaqsi Ka Weyn.

Madaama Rajinikanth Xiligaas Uu Jiray Da’ahaan 25 Sano Halka Sridevi Hooyo Ugu Noqotay Filimkaan Iyadoo Jirto 13 Sano Waxaana Muuqato Ineey Farqi ahaan U Dhaxeeyso 12 Sano Waana Farqi Aad U Weyn Waxeeyna Sridevi Muujisay Karti Cajiib ah Iyadoo Amaan Badani Ku Heshay Doorkeedii Cajiibka ahaa Ee Filimkaan Ka Ciyaartay.

Moondru Mudichu Wuxuu Ahaa Filim Tamil ah Waxaana Wax Ka Jilay Xidigaha Caanka ah Kamal Haasan, Rajinikanth, Sridevi, N. Viswanathan Iyo Y. Vijaya Waxaana Director Ka ahaa
K. Balachander Wuxuuna ahaa Filim jaceyl ah Oo Waaqigii jiray Waagaas Ku Saleesnaa.

Kadib Sridevi Oo Aan Aragnay Ineey Hooyo Ugu Matashay Shaashadaha Rajinikanth ayaa Mar Kale Shaashadaha Ku Midoobay Xidigahaan Waxeeyna Isla Sameeyaan Filimii Weynaa Ee ChaalBaaz Oo La Daawaday 1989 Waxeeyna Ku Mataleen Filimkaan Lamaane Is Jecel Waana Mid Kamida Waxyaabaha Cajiibka ah Ee Ka Dhex Dhaca Fanka Hindiya.

Aqriste Bal Kwrn Sridevi Ineey Rajni Hooyo Ugu Matashay Filimkaan Iyadoo Aad Uga yar Da’ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here