Home » Nolosha Jilaayaasha » 13-ka Meelod Ugu Caansan India Ee Filmada Lagu Duubo Indhaha Kama Qaadi Doontid Qeybtii 3-aad (+Sawiro)

13-ka Meelod Ugu Caansan India Ee Filmada Lagu Duubo Indhaha Kama Qaadi Doontid Qeybtii 3-aad (+Sawiro)

Qarashka filmka kubaxo waxaa kamid ah dhulka lagu duubo oo qarash la galiyo meelo qurux badan iin mashruuca lagu jilo ama heeso meelo qurux badan lagu duubay waxay sare u qaadan qarashka filmka.

Waxana had iyo jeer aragaa goobo qurux badan oo aflaamta lagu duubo balse makala naqaan inta badan wadamada ay ku yaalan goobahaas quruxda badan ee muuqaalada cajiibka ah lagu duubo sida heesaha filmka.

Waxaan maqaalkan kusoo bandhigi doonan 13 meel oo caan ah kuwaaso ku yaalan gudaha India aflaamta Bollywoodkana waligeed lagu duubi jiray waxaa si fudud loo dhihi karaa waa 13 meelod ugu quruxda badan ee India filmada lagu duubo waana qeybta sedexaad ee maqaalkeena..

Ludhiana:

Goobtan waa mid kamid ah goobaha ugu caansa dalka India waxaana lagu duubay filmka Rang De Basanti oo Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa waana dhul aad u qurux badan.

Kolkata:

Waa buundo ay biyo hoos marayaan kuna taal gobolka Kolkata aad ayaa loo xiiseya halkaan aflaam badan ayaana lagu duubay sida Vicku Donor, Kahani, Barfi iyo kuwa kale oo badan waana buundo caan ah.

Shimla:

Wadada quruxda badan ee Shimla kutaal in badan waa caan waxaana lagu duubay filmo badan sida Jab Tak Hai Jaan, 3 Idiots, Bang Bang, Black iyo kuwa kale oo badan.

Delhi:

Sarta caanka ah ee magaalada Delhi kutaal dhamaantena waan wada naqaana aflaam badan oo aan la tiring karn ayaa halkaan lagu duubay sida Rang De Basant, Delhi 6, Jannat 2, 3 Idiots, Rockstar iyo aflaam kale.

Mumbai:

Waa goobta ugu caansan Dalka india ee filmada Bollywoodka badana lagu duubo waxayna kutaal caasimada Mumbai aflaamta halkaan lagu duubay waxaa kamid ah Munna Bhai, Dhoom, Wake Up Sid iyo filmo kale oo aan la tiring Karin.

Dhamaad..