F.G: suaalaha waa sanadkii 2005 marka BOI la weydiiyay isla sanadkaas ayeena ka jawaabtay ha is hilmaamin akhriste oo hader inee yihiin jawaabaha ha u maleyn.

Su’aasha 1-aad: Filimka No Entry star power ka Salman Khan imisa darajo ayuu sare u qaaday madaama 2004 kaalinta 3-aad uu ku jiray?

Jawaabta BOI: Kaalinta 2-aad ayuu awood ahaan soo gaaray sida guud 2005 Salman waa sanad u wanaagsan madaama filimadiisa badankooda ganacsi wanaagsan sameeyeen.

Su’aasha 2-aad: Sunny Deol iyo Sanjay Dutt imisa sano nagu soo fool leh ayay dadka ka gadi karaan filimo ay hogaamiyaal ka yihiin?

Jawaabta BOI: 5 sano nagu soo fool leh ayay filimada dadka ka gadi karaan madaama 45 sano da’dooda sare u dhaaftay dhawaanahana aysan sameynin aflaan guulo xariir ah gaarayaan laakiin 25 sano oo dahabi ah ayay soo qaateen maantadan la joogo waxay rabaan ayay dalbaan karaan halka kuwii lasoo caan baxeen sida Anil Kapoor, Jackie Shroff iyo Kumar Gaurav baska waa hore ka hareen dhanka awoodaha atoorayaasha.

Su’aasha 3-aad: Waa kuma atoorihii iska diiday filimka Hit-ka weyn noqday Baunty Aur Babli?

Jawaabta BOI: Hrithik Roshan ayaa iska diiday balse wey fiicneed waayo Dhoom 2 ayuu doortay oo hubanti ahaan Blockbuster weyn doono.

Su’aasha 4-aad: Madaama Abhishek Bachchan Dus, Baunty Aur Babli iyo Sarkar guulo wacan u gaareen kaalintee ayuu Star Power ka 2005 soo gaaray?

Jawaabta BOI: Kaalinta 10-aad balse caga badan kuma fadhiyo ilaa uu ka sameenayo filim uu hogaamiye ka yahay oo Hit dhameestiran ka noqonaayo.

Su’aasha 4-aad: Madaama Abhishek Bachchan Dus, Baunty Aur Babli iyo Sarkar guulo wacan u gaareen kaalintee ayuu Star Power ka 2005 soo gaaray?

Jawaabta BOI: Kaalinta 10-aad balse caga badan kuma fadhiyo ilaa uu ka sameenayo filim uu hogaamiye ka yahay oo Hit dhameestiran ka noqonaayo.

Su’aasha 5-aad: Yaa masuul ka ah in filimka Kaal si weyn ku furmo fagta kowaad labo arin noogu sababeeya?

Jawaabta: SRK muuqaalkiisa lagu suuq geeyay iyo heesaha filimkan oo siweyn u gadmeen.

Su’aasha 6-aad: Salman Khan wuxuu ku wanaagsan yahay Single Screena halka SRK ku wanaagsan yahay Multiplex soo lama dhihi karo SRK waa laga shacbiyad badan yahay?

Jawaabta BOI: Maya sidaas lama dhihi karo waayo weli boqorka Single Screens waa Sunny Deol halka Salman labaad ku jiro sidoo kalena SRK taageero wuu ku leeyahay Single Screens waxaana inaas usii dheeer in Multiplex cidna kula tartami karin. Si kooban Salman iyo Hrithik oo ah labada SRK awood ahaan kusoo xigaan haddii awoodooda xitaa la isku daro uma dhawaan karaan!

Su’aasha 7-aad: Natiijada filimka ma waxaa lagu saleeyaa qarashka la galiyay filimka iyo lacagta nadiifka ah uu soo xareeyay?

Jawaabta BOI: Maya waxaa lagu saleeyaa saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleeb oo lala bar bar dhigaayo lacagta ay marka hore cajaladaha ku iibsadeen.

Su’aasha 8-aad: SRK labadiisa filim ugu dambeeyeen Paheli iyo Swades wey guul dareesteen haddaba goormaa ugu dambeesay labo filim isku xigaan inay ka guul dareestaan?

Jawaabta: 2001 ayaa ugu dambeesay markii Asoka iyo One 2 Ka 4 ka guul dareesteen.

Su’aasha 9-aad: waa kuma filimkii ugu bilaabashada wanaagsanaa sanadii 2005?

Jawaabta BOI: Mangal Pandey oo maalinta kowaad keenay 3.24 Crore.

Su’aasha 10-aad: Waa kuma filimkii lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyay 2005?

Jawaabta BOI: Salaam Namaste oo keenay $4.48m

Su’aasha 11-aad: Akshay Kumar iyo Ajay Devgn kaalintee ayay kaga jireen Star Power ka sanadii 2005?

Jawaabta BOI: Akshay 4-aad halka Ajay oo 6-aad ku jiray.

Su’aasha 12-aad: Waa kuma atirishada ugu awooda badneyd sanadii 2005?

Jawaabta BOI: Waa Rani Mukerji oo soo idleesay 4-sano Aishwarya Rai awood ku heesatay awooda atirishooyinka madaama Baunty Aur Babli Super Hit u noqday halka Black Average u noqday.

Su’aasha 13-aad: Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Ajay Devgn yaa fagta hore filimada dadka ka gadi jiray 90-maadkii?

Jawaabta BOI: In badan Suniel ayaa awood badnaa fagta hore ama sedexda maalmood filimadiisa si waali ah ayaa looga daawan jiray tiyaatarada Single Screens iyo gobolada dhexe iyo fog fog kaliya Sunny Deol ayaa tuulooyinka kaga shacbiyad badnaa, balse Ajay iyo Akshay waxay Suniel ku dhaafeen la shaqeynta filim soo saarayaasha sameeyaan aflaanta tayada wanaagsan in badan Suniel filimadiisa waqtiga saxda ah tiyaatarada lama saari jirin wey soo daahi jireen taasina waxay sababtay markii dambe inuu la tartami waayo Akshay iyo Ajay.

Dhamaad.

La soco 2006 su’aalihii ugu muhiimsanaa BOI la weydiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here