Marka ay film wada jilayaal lamaane shaashada uun lamaane ku ah balse nolosha dhabta ah aan lamaane aheen iyo marka ay film wada sameynayaan lamaane nolosha dhabta ah lamaane ah wey kala xiiso badan tahay.

Waxaa in badan xiiso badan marka ay wada shaqeynayaan lamaane nolosha dhabta ah xariir guur ka dhaxeyo waayo daawadayasha ayaa xiiso gaar ah u qabo lamaanahas. Hadaba waxaan idiin heynaa qaar kamid ah lamaanayasha Bollywoodka ee bandhigooda cajiibka ah laga wada helay kuwaaso nolosha dhabta ah lamaane wada ah.

1. Abishek Bachchan iyo xaaskiisa Aishwarya Rai Abishek Bachchan iyo Aishwarya Rai waxa ay is guursadayn sanadkii 2007 iyagoo si weyn isaga helay inta ay duubaayeen filimka Guru ka dib guurkooda bilooyin ka dib waxa ay si wadajir iskala soo shaqeeyeen aflaamo badan sida filimka Sarkar sidoo kale waxaa dhawaan labadan lamaane ay ku midoobi doonan mashruuc lagu magacaabo Gulab Hamin.

2. Amithab Bachchan Iyo xaaskiisa Jaya Bachchan labo ka mid ah jilaayaasha ugu xirfada wanaagsan gudaha bollywoodka Amithab Bachchan Iyo Jaya Bachchan ayaa waxa ay si rasmi isku guursadayn sanadkii 1973 ka dib xiligaas waxa ay iskala soo muuqdayn dhawr filim sida filimka Sholay xiligaaso Jaya Bachchan ay lahayd uurka wiilkeeda Abishek Bachchan sidoo kale labadan jilaa waxa ay isla sameeyeen filimo sida Zanjeer, Abhimaan, Chupke Chupke , Sil Sila Iyo Kabhi khushi kabhi gham.

3. Rishi Kapoor And Neetu Singh labadan jilaa laysugu tala galay sidoo kale waxa ay waalid u yihiin aktarla Ranbir Kapoor ayaa waxa ay is guursadayn sanadkii 1980 iyagoo ka mid noqdayn lamaanayaasha ugu caansan gudaha bollywoodka ka dib guurkooda waxa ay isla jilayn afar filim oo kala ah Love Aajkal , Do Dooni Char, Jab Tak Hai Jaan iyo Besharam.

4. Naga Chaitanya iyo xaaskiisa Samamtha Lamaanaha loogu jecelyahay koonfur India Samantha Ruth Prabhu iyo Naga Chaitanya ayaa shaashada dib u wadaagayn ka dib arooskooda iyadoo labadan lamaane ay is guursadayn sanadkii 2017 iyagoo jaceyl isku qaaday dhawr jeer ay filimo iskala soo muuqdayn haddaba labadan lamaane ayaa waxa ay sanadkan usoo baxay filim lagu magacaabo Majili kaaso ganacsi wacan ka sameenaayo dhanka iyo koonfurta.

5. Nick Jones iyo xaaskiisa Priyanka Chopra Priyanka Chopra iyo Nick Jones waxa guurkooda uu dhacay sanadkii iyagoo aroos weyn ku dhigtayn Magaalda Jaipur haddaba labadan ka dib guurkooda kuma aysan midoobin wax filim ah laakiin Priyanka Chopra waxa ay kasoo hees muuqaal ah kala soo muuqatay ninkeeda Nick Jones waxaana heeskaas lagu magacaabo Sucker .

6. Ajey Devgan iyo Kajol Devgan waa kuwa kamid ah xidigaha ugu caansan Bollywoodka uguna awood badan ee abid soo mara shirkadaan. Qaasatan waa kuwa nolosha ku midoweyn oo caruur ayaa hader uwada joogto xidigaan, hadaba waxaa jiraan aflaam ay wada sameyeen kuwaaso taariikhi ah, natiijada aflaamtas ganacsi ahaan haba noqdaan kuwa liito, balse marwalba bandhigoodi cajiibka lahaa waa la xasuusan doona.

waxaana labadan lamaane ay is guursadayn sanadkii 1999 ka dib xiligaas waxa ay si wadajir iskala soo muuqdayn aflaamo gaaraya afar filim kuwaaso kala ah Dil Kya Kare (1999) , Raju Chacha (2000), U Me Aur Hum (2008) iyo Toonpurka Superhero (2010) 7. Saif Ali Khan Iyo xaaskiisa Kareena Kapoor Saif iyo Kareena waxay kamid yihiin lamaanayaasha Bollywoodka ugu caansan looguna jecelyahay in badana waa lawada ogyahay jaceylkooda iyo habkii ay isku guursadeen intaba.

Mudo 5 sano ah ayee wada socdeen oo ay xiriir wada lahaayen iyagoo 16 Oct sanadkii 2012 ayee si rasmi ah isku guursadeen lamaanahan ugu dambeyn ka dib guurkooda waxa ay lamaanahan shaashada ku midoweyn dhowr filimo sida waxaa kamid ah Agent Vinod, iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here