15-jilaa oo musal salada caan ku ah iyo mid walbo jilaaga Bollywood-ka uu ka taageero qaybta 2-aad (+sawiro)

Kusoo dhawaada qaybta labaad maqaalka aan kaga hadleenay 15-jilaa oo sameynta musal salada caan ku ah iyo jilaayaasha Bollywood-ka ay ugu jecel yihiin inay filim la sameeyeen ama waqti la qaataan taageero weyna ay u yihiin:

Roop Durgapal: atirishadan TV-yada laga yaqaan waxay ku dhimataa ama taageero weyn u tahay Aditya Roy Kapur oo sheegtay in filimadiisa iyo noloshiisa ay taako taako ula soocto.

Gaurav Khanna: atoorahan soo jiidashada badan ee musal salada saameynta ku leh isagana Katrina Kaif ayuu aad u taageeraa kana helaa shaqadeeda iyo nolosheeda.

Iqbal Khan: Sida ayay doorarkiisa musal salada u qalafsan yihiin ayuu taageero ugu yahay atirishadii bilawgii qarnigaan la jeclaa Namarata Shirodkar haatana u dhaxdo Mahesh Babu.

Tanya Sharma: xidigtaan musal salada ka dhex muuqato waxay sheegtay Shah Rukh Khan inaysan indhaha ka qaadi karin aflaantiisa iyo muqaaladiisa caadiga ah.

Abhinav Kapoor: Wiilkan shidan ee TV-yada laga jecel yahay isna wuxuu jecel yahay kana helaa shaqada iyo nolosha atirishada caanka ah Jacqueline Fernandes. 

La Soco Qaybta 3-aad Jilaayaasha Musal Salada Ugu Caansan Iyo Xidigaha Ay Bollywood-ka Ka Taageeraan.

Hadii aadan aqrisanin qaybtii 1-aad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN