15-jilaa oo musal salada caan ku ah iyo mid walbo jilaaga Bollywood-ka uu ka taageero (+sawiro)

Dhawaanahan musal salada Hindiya jilaayaasha sameeyeen waxay noqdeen kuwo aqoonsi caalami ah heleen baraha bulshada taageero ku leh sidoo kalena mashaariicdooda la xiiseeyo.

Balse inta badan jilaa walbo oo TV-yada ka tirsan wuxuu ku riyoodaa inuu Bollywood-ka u shaqo adoonto aqoonsi weyna fanka Hindiya ka dhex helo.

Waxaan idiin heynaa 15-jilaa oo sameynta musal salada caan ku ah iyo jilaayaasha Bollywood-ka ay ugu jecel yihiin inay filim la sameeyeen ama waqti la qaataan taageero weyna ay u yihiin:

Kunal Jaisingh: Jilaaga musal salka caanka ah Ishqbaaz wuxuu taageero weyn u yahay Deepika Padukone.

Divyanka Tripathi: Atirishadan maqaamka ku leh musal salada waxay siweyn kaga heshaa murqaaniga Bollywood-ka Sonu Sood.

Tejaswi Prakash: xidigtan TV-yada caan ka ah waxay si gaar ah u taageertaa kana heshaa xirfadiisa Aditya Roy Kapur.

Sara Khan: xidigtaan musal salada u shidan tahay maba qarsato inay jilaayaasha Bollywood-ka ugu jeceshahay Ranveer Singh.

Suyyash Rai : Xidigaan soo caan baxaayo dhanka musal salada isagana wuxuu ka dhawaajiyay Disha Patani inuu taageero weyn u yahay.

La Soco Qaybta Labaad Jilaayaasha Musal Salada Ugu Caansan Iyo Xidigaha Ay Bollywood-ka Ka Taageeraan.