15 sano ayuu jilaayay taxane Sirdoon maantana howlo sirdoon ayaa lagu heystaa asigoona qarka u saaran in lagu xukumo 12 sano xabsi ah.

0
4572

Necati Sasmaz oo caan ku ah magaca Polat Alemdar ayaa waxaa loo heystaa kiis xukunkiisa uu noqon karo 12 sano oo xabsi ah.

Necati Sasmaz wuxuu ku caan baxay taxanaha ugu weynaa abid Turki sameeyaan ee Valley Of The Wolves (Togii Dhurwaayada) wuxuuna socday taxanahaan tan iyo 2006dii asigoona lasoo gudbiyay 11 Season.

Necati Sasmaz ayaana taxanahaas ku jilaayay nin Sirdoon ah oo dowlada Turkey u shaqeeyo waana taxane cajiib ah ayadoona doorkiisa Polat Alamdar loo aqoonsaday doorkii ugu fiicnaa abid jilaa Turkish ah sameeyo.

Hadaba Jilaagaan oo xaaskiisa ay kala tageen sanadkii hore ee 2019ka ayaa waxaa loo heystaa Kiis ah in markii xaaskiisa kala tagayeen uu adeegsaday codad maqal ah oo xaaskiisa Whatsuppka ugu soo dirtay.

Codadka uu adeegsaday sidoo kalana uu maxkamada geeyay ayaana ah kuwa sharci daro ah maadaama uusan fasax ka heysan xaaskiisa sidoo kalana qaab qarsoodi ah u duubay sidaas owgeed xaaska jilaagaan oo lagu magacaabo Nagehan ayaana dacwad kasoo gudbisay.

Nagehan ayaana ku doodeyso in codad ay Whatsuppka ugu soo dirtay uu maxkamada u adeegsaday sidaas owgeed waxay dalbaneysaa in 12 sano xabsi ah garka loo galiyo.

Kiiskaan ayaana haatan maxkamada yaalo xili dhageysi uu ku socdo wixii kusoo kordho kala soco Shabakada Filimside.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here