Kulanti wacan dhamaan akhristayaasheena qiimaha iyo sharafta lahow maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa dhamaan siraha qarsoon ee qeybta ka ah taxanaha Hercai.

Sida aan wada ognahay taxanaha ayaa maraayo meel xiiso leh asigoona wali aanan la ogaanin siraha qarsoon ee taxanahaan ku duugan misna uu ku socdo waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhamaan sirahaas iyo inta ugu muhiimsan hadaba ka bogasho wacan.

1-Sirta ugu weyn uguna muhiimsan taxanaha waxay tahay in Hazar uu dhalay Miran isla markaasna ay Aziiza ogtahay iyadoo waliba si kutalo gal uga dhigeyso mid cadow ku ah aabihiisa.

Aziza markii ay ogaato in Miran uu dhalay Hazar isla markaasna uusan dhalinwiilkeeda ayay si ay u aargoosato darteed waxay Miran ku barbaarinee cadaawada aabihiis si uu wiil u dilo aabihiis ama aabo u dilo wiilkiisa.

2-Sirta labaad ayaa waxay tahay Hazar ma uusan dilin Miran aabihiis iyo hooyadiisa midna Hazar dilaa ma ahan waxayna u badantahay in shirqoolka iyo dabinka Aziza uu ku dhacay.

3-Sirta sadaxaad Reyyan waxaa dhashay Zahra balse Hazar uma aysan dhalin ee nin kale ayay u dhashay mana layaqaano ninkuu yahay iyo inuu gadaal kasoo bixi doono.

Sirta in Hazar uusan dhalin Reyyan waxaa og kaliya Hazar, Zahra iyo Nasuh ayadoo inta kale aysan ka warqabin isla markaasna Reyyan nafteeda xitaa ka warqabin.

4-Sirta afaraad Xaniifa waxa ay la dhalatay Aziiza mana jirto cid o goo xaqiijin karto waxayna Xaniifa qeyb katahay qorshaha aargoosi ee Aziiza.

5-Sirta shanaad waxay tahay Furaat ineysan Asmaa dhalin balse ay u badantahay inuu Gonul walaalkeed yahay isla markaasna uu ka tirsanyahay qoyska reer Aslan Bey waxaana taas kuu cadeyneyso in Aziiza ay ku aamintay dhamaan hantida qoyska reer Aslan Bey misna magaciisa ku qorantahay.

Furaat waa walaalka ka maqan Gonul ee ay raadinta ugu jirto mana la oga sababta Aziiza ku kaliftay in wiilka ay ayayda u tahay ay shaqaale hooyo uga dhigto balse waxay u badantahay inuu qeyb kayahay qorshaheeda aargoosi.

6-Sirta lixaad Sultana waxaa jiraan siro badan oo ku qarsoon waxaana loo badinayaa sidoo kale iney iyada dishay iiliif hooyadeed iyo aabaheed si lamid ah ay Sultana dishay ninkeeda oo ah aabaha dhalay Gonul.

-7-Sirta todobaad haandaan waxay qoyska reer Aslan Bey ku leedahay jaasuus mana jirto cid o goo ka warqabto waana gabadha shaqaalaha ee Shahrayaar.

8-Sirta sideedaad weerardii lagu qaaday Miran waxaa ka dambeyso dhamaantooda waa Aziiza qorshahana wuxuu yahay iney ku dirto qoyska Reyyan una dareensiiso iney doonayaan dilkiisa.

9-Sirta sagaalaad; Cadowga sadaxaad ee labada qoys ku dhex jira misna Aziiza cadowga ku ah majirto cid taqaano balse waxay u badantahay in Sultana tahay waxaana jiraan arimo badan oo shaki abuuri karo misna ku tusaayo in Sultana cadowga sadaxaad tahay.

-Sirta 10aad Caziiza inta aysan kusoo biirin qoyska reer Aslan Bey waxay aheyd shaqaaladooda kadibna qoyskaas aabihooda markuu dhintay ayay wiilkooda guursatay lamina oga in qoyskaas iyada leysay iyo in kale waxaana sidoo kale la ogeyn jugta iyo dhaawacyada dhabarka Aziiza ku yaalo cida u geysatay.

11-Sirta 11aad Xiriirka ka dhaxeeyo Yaariin iyo Furaat iyo iney akhaabrta kala qaataan majirto cid og iyadoo Yaariin danaheeda ku fushato Furaat halka Furaat uu damac kaga jiro Yaariin.

12-Sirta 12aad xiriirka ka dhaxeeyo iiliif iyo Azaad majirto cid o oo aan ka aheyn Azaad waalidkiis iyo walaashiis inkastoo xiriirkaas uusan Azaad ku qanacsaneen hadana Aziiza iyo Miran kama warqabaan lamina oga hadii ay ogaadaan talaabada ay qaadi doonaan.

13-Sirta 13aad Jaceylka Hazar iyo Dilshaah iyo in yaraantoodii is jeclaayeen waxaana sirtaan ogeyn misna ka qarsanyahay waa Miiraan  waana arinta ay Reyyan uga daba wareegeyso Miran si ay u fahamsiiso in aabaheed uu jeclaa hooyadiis.

14-Sirta 14aad xiriirka ka dhaxeeyo Hazar iyo Asmaa iyo in Asmaa garab siineyso Hazar.

15-Sirta 15aad in qorshaha Gonul maagantahay iyo sababta ay Miran uga hartay in walaalkeed dartiis uu yahay mana jirto cid o goo aan Caziiza ka aheyn.

Hadaba akhristow hadii ay jirto sir aan ka tagay waad nala wadaagi kartaa sidoo kale nala wadaag sirta aad is leedahay waa mida ugu weyn.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here