Kadib markii filimka Dabangg 3 shalay uu soo xareeyay 9.25 crore waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa 15ka filim ee sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen isniintooda koowaad ayadoo Dabangg 3 uu kaalinta 7aad ka dhacay.
Inkastoo D3 uu kaalinta 7aad ka dhacay misna 6 filim ka horeeyaan hadana waxaa jiraan filimo uu ka fiicanyahay lacagaha ay keeneen isniintooda koowaad sida Mission Mangal, Kesari, Bharat iyo Gully Boy balse taas cudur daar uma noqoneyso waayo filimkaan wuxuu ahaa filimka ugu weyn sanadkaan tiyaatarada la saaray markii loo fiiriyo hadalheyntiisa iyo inuu yahay taxane qeybihiisii hore Blockbuster noqdeen.
Filimka Housefull 4 ayaa hogaanka ugu haayo filimada sanadkaan isniintooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay kadib markii uu keenay 34.42 crore waliba H4 wuxuu kaalinta 3aad kaga jiraa filimada isniintooda koowaad lacagaha ugu badan abid soo xareeyay waxaana ka horeeyaan Bahubali 2 iyo Tiger Zinda Hai.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo liiska oo dhameystiran.
1. Housefull 4 – 34.42 Fasax
2. War – 20.18 crore (Fasax gobolada qaar).
3. Kabir Singh – 17.05 crore
4. Saaho (Hindi) – 13.78 crore (Fasax).
5. Uri: The Surgical Strike – 10.55 crore
6. Total Dhamaal – 10.04 crore
7. Dabangg 3 – 9.25 Qiyaas.
8. Bharat – 8.72 crore
9. Gully Boy – 8.41 crore
10. Mission Mangal – 8.16 crore
11. Kesari – 7.94 crore
12. Bala – 7.80 crore
13. Luka Chuppi – 7.75 crore (Fasax)
14. Chhichhore – 7.70 crore
15. Dream Girl – 7.19 crore