Waxaa Bollywoodka caan ka noqdeen jilayaal badan oo yaraantooda jiliinka bilaawen inkastoo yaraanra ay caan ku noqdee hadana marke weynaadeen oo ay Bollywoodka toos uso galeen qaarkood Superstara waaweyn ayee noqdeen.

Waa jilayaal inta badan aad wada garaneysaan inta maqaalkan kasoo muuqan doonto oo aan kusoo qaadanah 16 caruur oo maanta Bollywoodka maqaam sare ka gaareen shalayan shaashada caruurnimo ku jili jireen Qeybtii 2-aad.

6-Ayesha Takia: atiriishadan kusoo caan baxday Filimkii Taarzaan door atiriisho nimo ah yaraanteeda ayee fanka inee ka shaqeyso bilaawday waxay xayeysiin jirtay cabitaanada sido kalena doorar yaryar ayee aflaamta kaga soo muuqatay.

7-Shahid Kapoor yaraantiisa aflaam dhowr ayuu kasoo muuqday sida Dil To Pagal Hai, Taal iyo kuwa kale xayeysiimaha cabitaanadana wuu sameeyn jiray.

8-Jugal Hansraj: yaaba ilaawi kara doorkiisa filimka Masoom atoorahan isagoo yar ayuuba caan noqday isagoo weynaadayna wuxuu kusoo caan baxay Mohabbatein.

9-Imran Khan: Filimada Aamir Khan uu 90-maadkii jilay marka sheeko laguugu tusaayo Aamir oo yar cidkale doorkaas ma jili jirin ee Aamir wiilka uu abtiga u ahaa Imran Khan ayaa sameeyn jiray waxaa kamid ah aflaamtaas Jo Jeeta Wohi Sikandar, Qayamat Se Qayamat Tag iyo kuwa kale.

10-Hansika Motwani: Tv-yada ayee ka shaqeyn jirtay bilawgii qarnigaan iyadoo yar doorkeeda aflaamta ugu caansana waa kii ay kaga soo muuqatay Filimka Koi Mil Gaya maantana waa atiriisho caan ah oo aflaamta hogaamiso si qaas ah kuwa koonfur India.

11-Ayesha Kapur: inaba caadi ma ahan sida ay u jishay gabar yar oo camoole ah hadana waxba maqleenin waana doorkeeda abaal marinada ay kaga aruursatay Filimka Black waxayna jishay Rani Mukerji oo yar maantana waa gabar caan ah 2005-tiina caruur ayee ahed.

Lasoco Qeybta Seddexaad Maqaalka 16-caruur Xidigaha Noqdeen…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here