Waxaa Bollywoodka caan ka noqdeen jilayaal badan oo yaraantooda jiliinka bilaawen inkastoo yaraanra ay caan ku noqdee hadana marke weynaadeen oo ay Bollywoodka toos uso galeen qaarkood Superstara waaweyn ayee noqdeen.

Waa jilayaal inta badan aad wada garaneysaan inta maqaalkan kasoo muuqan doonto oo aan kusoo qaadanah 16 caruur oo maanta Bollywoodka maqaam sare ka gaareen shalayan shaashada caruurnimo ku jili jireen Qeybtii 3-aad.

12-Parzan Dastur: Yaa ilaawi kara wiilkii yaraa ee kujiray filimka Kuch Kuch Hota Hai kaaso kujilaayey wiil aan hadli karin sido kalena xidigaha ayuu marwalba tirin jiray isaga iyo Johnny Lever (Amadi) wixii ogaa ayaa kala qabsaday maanta muuqaalkiisa waa sidaa waa wiil weynaaday balse aan jilaa ahen.

13-Aditya Narayan: waa wiil caan ah oo kasoo muuqday aflaam badan oo caan ah wajigiisa ayaanba la ilaawi karin inkastoo uu xili hore iska dhaafay shaqada Bollywoodla hader Music yaqaan xirfadaasna ku shaqeysta.

14-Alia Bhatt: xidigtaan hader awooda Bollywoodka gacanta ku dhigtay dhanka atiriishooyinka iyadoo yar ayee kasoo muuqatay aflaamta soo xasuuso gabadhii yared ee kujirtay Sangharsh waa Alia Bhatt oo yar.

15-Hrithik Roshan: 2000 ayaan baranay kadib waxuu noqday Super Hero-ga Bollywoodka laakiin 80-kii ayuu isagoo yar aflaamta kasoo muuqan jiray 2-suule.

16-Mayur Verma: Amitabh Bachchan oo yar ayuu kujilay filimkii Muqaddar Ka Sikandar maantana waa shaqsi caadi ah oo aan xubin ka aheen Bollywoodka.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here