Waxaa Bollywoodka caan ka noqdeen jilayaal badan oo yaraantooda jiliinka bilaawen inkastoo yaraanra ay caan ku noqdee hadana marke weynaadeen oo ay Bollywoodka toos uso galeen qaarkood Superstara waaweyn ayee noqdeen.

Waa jilayaal inta badan aad wada garaneysaan inta maqaalkan kasoo muuqan doonto oo aan kusoo qaadanah 16 caruur oo maanta Bollywoodka maqaam sare ka gaareen shalayan shaashada caruurnimo ku jili jireen.

1-Aradhana Srivastava: waa gabadhii yareed ee kujirtay Filimkii Masoom ee la daawaday 1983 waxayna caan ku tahay heeska Lakdi Ki Kaathi ee filimkaas kujirta maanta waa music yaqaan codkeeda ku heesta horeyna dhoer jeer aflaamta kaga soo muuqatay.

2-Urmila Matondkar: xidigtaan caanka ah aflaam badan ayee caruurnimadeeda kasoo muuqatay sida Masoom-kii aan kor kusoo xusnay ee la daawaday 1983.

3-Sridevi: maba la tirin karo filimada koonfur India ee ay yaraanteeda kasoo muuqatay ilaa weynaanteeda ay ka noqotay haweeyneydii ugu horeysay ee magaca Superstar loogu yeero wey kusoo bar bartay fanka hindiya atiriishadan ilaa ay ka geeriyootay.

4-Kunal Khemu: Soha Ali Khan seygeeda Kunal misane ah shactiroolaha filimka Golmaal 90-maadkii ayuu kasoo muuqan jiray filimada isagoo yar waxaana kamid ah aflaamtaas Bhai, Sir, Zakhm iyo kuwa kale.

5-Sana Saeed: waa gabadhii yareed ee filimka Kuch Kuch Hota Hai kujishay doorka Anjali ama ahed gabadha SRK dhalay maantana waa gabar caan ah oo aan Bollywoodka qeyb ka aheen marwalbana Kuch Kuch ayaa lagu xasuusan doonaa..

Lasoco Qeybta Xigta….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here