16 jeer markaan guur ka dalbaday misna 6 faraanti usoo iibiyay ayay iga aqbashay guurkii.

0
6246

Fanaanka caanka ah misna reer Turkey Kenan Dogulu oo ah ninka qabo atariishada quruxda badan ee Beren Saat ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu ku guursaday Beren.

Beren oo kamid ah atariishooyinka ugu quruxda badnaa uguna qaab jiliinka wanaagsan Turkey ayaa waxaa jeclaaday fanaanka Kenan Dogulu wuxuuna sheegay in waqti ay ku qaadatay siduu Beren ugu qancin lahaa guurkiisa.

“16 jeer oo kala duwan ayaan guur usoo bandhigay anagoo ku sugan 16 goob oo kala duwan waxaana usoo iibiyay 6 faraanti si ay guurka iiga aqbasho Beren” ayuu yiri Kenan Dogulu oo ka hadlaayay qaabkii uu ku guursaday Beren Saat.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayui yiri; xaaskeyga waa sida beer qurux badan misna udug badan maalinba maalinta ka dambeyso waad sii jeclaaneysaa.

Hadaba akhristow adiga 16 jeer gabar guur maka dalban laheyd iyadoo markastana kaa diideyso?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here