Superstar Sanjay Dutt xaalkiisa wali lama saadaalin karo balse dadaal uma yaro isaga iyo qoyskiisa siduu kaga caafimaadi lahaa cudurka halista ah ee haleelay waxaana hader loo diyaarinayaa xarunta lagu dhabiibo Kansarka meel isaga uqaas ah oo lagu daweeyn doono inta dibada looga qaadayo.

Saxaafada ayaa jilaagan warbixinooyin badan oo kuwa cusub iyo kuwa hore isugu jiraan ka qorayaan maalmahaan  mid kamid ah xogaha aan soo helnay waxay sheegayaan in Dutt 16-maalmood tabobar iyo tijaabooyin u maray heeska Tamma Tamma Loge ee uu la sameyeen atiriishada Madhuri Dixit.

Madhuri oo ah atiriishada ugu Dance-ga fiican hindiya loona caleemo saaray “Queen of Dance” ayuu jilaagan wal-wal ka muujiyay markii loo sheegay inuu heeskaan la duubaayo waxayna ku jirtaa heeskan filimkii Thanedar ee la daawaday sanadkii 1991 waana hees Dance-ga ay u sameeysay Saroj Khan-tii geeriyootay.

Hada kahor Dutt oo ka hadlaayo dhibka uu ka maray heeskan waxuu yiri,”markii la iisheegay inaan xarakaadka iyo Steps-ka Madhuri oo kale la iga rabo waan cabsaday waxaan ka baqay inaan shaashada horeeda ku ceeboobo ileen Madhuri Dance kuma gaaro saas eetahay waxaan nafteyda usheegay inee wax walbo macquul yihiin mudo 16-maalmood ah wax kale ma qaban inaan heeskan Practice ku sameeyo bas mooye hadee wixii xiga taariikhda xusi doonto iyo sidaan shaashada Madhuri isaga celiyay DANCE ahaan.”

Bab of Bollywood inaba caadi ma ahan sida uu heeskan kaga baxsaday waxayna u ahed Challenge adag balse marka aad heeska daawato waad dareemeysa inuusan aheen Professional Dancer ama qof ciyaaraha garanaayo saas eetahay xarakaadka Madhuri aad ayuu ula jaan qaaday hoos ka daawo heeska caanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here